Al-Shabab oo 10 sano kadib xil ka qaadis ku sameysay Yuusuf Kaba-Kudukade

shabaab sarkaal

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa xil ka qaadis ku sameeyay gudoomiyahii ugu wakhtiga dheeraa ee u qaabilsanaa gobolka shabeelada dhexe.

Al-Shabaab waxaa muddo 10-sano ah deegaankaas ugu magacownaa Sheekh Yuusuf Ciise Kaba-Kudukade, waxaana badalkiisa la magacaabay Cabaas Abuu Muxamed oo loo yaqaano Khalifa Cade.

Sarkaalka la magacaabay wuxuu muddo ku dhex jiray dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya, wuxuuna mar noqday gudoomiyaha gobolka Gedo ee dagaalyahanada, waxaana intaas usii dheer inuu mar qabtay xilka maaliyadda.

Al-Shabaab waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhex socday isbadallo, saraakiil badan ayaa awoodahooda hoos loo dhigay halka kuwa kalana sare loo qaaday, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli dowladda, ciidanka Amisom iyo taliska ciidanka Mareykanka ee Africa ay kordhiyeen hawlgalladooda ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here