Alshabaab oo Lamu ku weerartay shirkad Shiinaha laga leeyahay

alshabab somalia

Koox la tuhunsan yahay inay Al- Shaab ka tirsanyhiin ayaa dab qabadsiisay qalab ay leedahay Shirkadda Dhismaha iyo Isgaarsiinta Shiinaha ee Lamu, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Lamu Irungu Macharia.

Arrintaan ayaa imaanaysa xilli Senator-ka magaalada Lamu Anwar Loitiptip, uu dowladda ka codsaday inay disho dhammaan burcadda iyo maleeshiyada looga shakisan yahay Al-Shabaab ee loo soo xiri doono weeraradii ugu dambeeyay.

Sida uu sheegay gudoomiyaha ismaamulka Lamu Irungu Macharia, 10 qof ayaa loo soo xiray tan iyo markii ay dhaceen weeraro is daba joog ah oo lagu dilay 15 qof oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka tirsan ciidamada GSU.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here