Amar ka soo baxay maqaayada Tim Hortons iyo Soomaalida Canada oo si kala duwan uga hadashay

Tim Hortons

Tim Hortons oo ah maqaayad caan ah oo ku taala dalka Canada, iibisana cuntooyinka fudud iyo qaxwada ayaa soo rogtay sharci cusub oo dood badan ka dhex abuuray dadka ku nool dalkaas oo ay ka mid yihiin Soomaalida.

Maqaayaddan ayaa lagu dhajiyay wargelinta ay ku sheegtay in qof kaste oo cunto ama cabitaan ka iibsada Tim Hortons uusan fadhin karin wax ka badan nus saac (30 daqiiqo) qofkii intaa ka badan fadhiyana loogu yeeri doonaa booliska.

Dadka inta badan fariista maqaayaddaas waxay kaga nastaan mashquulka shaqada, waxayna ka cabaan shaaha iyo kafeega, hasayeeshee kafateeriyada Tim Hortons ayaa go’aanka soo rogtay.

“Meesha isaga tag 30 daqiiqo ka dib marka aad wax iibsato, haddii qofka uu sii fadhiyo wax ka badan nus saac, waxaa loogu yeerayaa booliska,” ayaa lagu sheegay wargelinta.

Xuquuqda Sawirka @CTVChristina@CTVCHRISTINA

Maamulka maqaayadda ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan ay ku wargeliyeen laamaha amniga.

Fadhi ku dirirka iyo guri joogga

Inkastoo aysan kala cadeyn sababta keentay go’aankan, haddana waxaa jira Soomaali badan oo ku nool dalka Canada, kuwaas oo inta badan fadhi ku dirir ku qabsada halkaas iyo maqaayadaha la midka ah, waxaana go’aankan so dhaweeyay qaar ka mid ah dumarka Soomaalida ee ku nool dalkaas.

“Waa arrin aad iyo aad u wanaagsan, waana go’aan fiicaan, waayo xaqiiqadu waxay tahay in qurbaha aan joogno, qoysaskii dhibaato badan ay ka heysata,” ayey tiri Fowziya Maxamuud oo ka shaqeysa arrimaha qoyska.

“Dhibaatooyinkaas oo ah aabihii oo reerka ka maqan xilliga ugu muhiimsan ee la doonayo in caruurta wax loo qabto, xilliyada ay ragga Soomaaliyeed fariistaan maqaayadaha waa habeenkii, waana xilliyada ugu muhiimsan ee aabaha la doonayo in uu wakhtigiisa la qaato qoyskiisa”, ayey hadalka ku dartay.

.
Image caption.

Waxay intaa raacisay in arrin wanaagsan aysan ahayn in ragga Soomaalida ay marwalba fariistaan fadhi ku dirirka, loona baahan yahay in guryahooda ay wakhti ku qaataan.

Hasayeeshee go’aanka maqaayaddaas waxaa kasoo horjeystay qaar ka mid ah ragga Soomaalida ee dalka Canada oo inta badan ku qaxweeyaa Tim Hortons.

“Sababta dadka ay u jecel yihiin Tim Hortons waxay tahay fadhiga oo wanaagsan iyo qaxwada laga cabo, dadka yimaadana waxay isugu jiraan dhowr nooc, arday ayaa ka mid ah, kuwa kalena waxay u yimaadaan sheeko, qaar ayaa ganacsi u yimaada, waxaas oo dhanna caqabad ayay ku noqoneysaa,” ayuu yiri Liibaan Gabeyre oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Canada.

Wuxuu intaa raaciyay in tallaabadan ay saameyn dhaqaale ku yeelan doonto Tim Hortons, oo dadku ay aadi doonaan goobaha kale ee lagu qaxweeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here