Amiirka Qatar oo safar lama filaan ah ku tagay Iran

Tamim bin Hamad AlThani1

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta socdaal lama filaan ah ku tagay magaalada Tehran ee caasimada, si uu wadahadal ula yeesho Mas’uuliyiinta sar sare ee dalkaas oo uu ka mid yahay Madaxweyne Hassan Rouhani.

Booqashada maanta oo Axad ah ayaa timid xilli xiisado kacsanaan ah ay ka taagan Khaliijka iyo Bariga Dhexe, kadib dilkii Mareykan uu ku dilay Baqdaad Taliyihii ugu sareeyay ee Ciidamada Kacaanka Iran Qaasim Suleymani iyo gantaallo aargoosi ah oo Iran ay ku beegsatay bartilmaameedyada Mareykanka ee Ciraaq.

Wakaaladda wararka ee Qatar QNA waxay sheegtay in wadahadalladu diiradda saari doonaan “xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo dariiqooyinka kor loogu qaadayo loona xoojinayo, iyo sidoo kale horumarkii ugu dambeeyay ee gobolka iyo arrimaha gobolka iyo arrimaha caalamiga ee danaha labada dhinac”.

Qatar, oo aad ugu dhow Mareykanka laakiin sidoo kale xiriir adag la leh Iran, oo ay la wadaagto gaaska ugu badan adduunka, ayaa ku baaqday in si nabad ah loo xalliyo xiisadaha gobolka.

Booqashada Amiirka Qatar ayaa noqoneysa tii u horeeyay ee Hoggaamiye dal uu ku tago Iran, tan iyo markii la dilay Qaasim Suleymaani 3-dii bishii Janaayo.

Sheikh Tamim waxaa weheliya wafdi rasmi ah safarkiisii ​​ugu horreeyay ee uu ku tago Iran tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2013.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here