Amiirka Qatar oo soo saaray amar deg deg ah oo loogu gurmanayo Soomaaliya

Emir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani

Amiirka Qadar Tamim bin Xamad Al Thani ayaa markii ugu horeysay amar ku bixiyey in Soomaaliya loo gurmado tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka Coronavirus.

Amiirka Qatar ayaa amray in si deg deg ah loogu gurmado Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah dadaalada lagu doonayo in Soomaaliya lagu geeyo agabkii looga hortagi lahaa cudurkaan dhibaatada ku hayo adduunyada.

Amiirka oo soo saaray hadal kooban ayaa sheegay inay Qatar diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dadaallada Soomaaliya ee lagula dagaalamayo Viruska Corona.

Tan iyo markii uu bilowday caabuqa Corona, ayaa Soomaaliya waxaa gurmad kala duwan soo gaarsiiyey dalal dhowr ah iyo Hay’ado Caalami ah, hayeesheee Dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladan  weli uma soo gurman Soomaaliya.

Hadal kasoo yeeray Amiirka Qatar ayaa kusoo aadayo xilli Dowladda Turkiga ay Maanta Magaalada Muqdisho ka dajisay diyaaradii sedexaad oo siday gagaarka iyo qalabkii looga hortagi lahaa cudurka COVID19 oo Soomaaliya ku faafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here