Amisom oo lagu beddelayo ciidamada QM iyo Midowga Afrika oo gaaray go’aan culus

logo african union

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay inuu go’aansaday in howlgalka uu hadda ka fuliyo Soomaaliya ee AMISOM loo beddelo mid QM iyo Midowga Afrika ay ku mideysan yihiin.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay ayideen qiimeyn uu sameeyey guddi madax-banaanka oo Midowga Afrika ka tirsan, kaasi oo soo jeediyey in howlgal wada-jir ah oo laga fuliyo Soomaaliya.

Taariikhda la qorsheeyey in howlgalkaas uu billowdo ayaa ah Janaayo 2022.

Midowga Afrika ayaa sheegay inuu doonayo in howlgalka lagu fuliyo qodobka VII (7) ee Axdiga QM. Qorshahan ayaa u baahan inuu ansixiyo Golaha Ammaanka QM.

Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka “uu xaqiijin doono maalgelin sanado badan ah oo la saadaalin karo lana joogteyn karo oo uu helo howlgalka mustaqbalka, ayada oo loo marayo tabarucaad ay QM qiimeysay.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u diiday qorshahan, waxayna ku adkeysatay doorka taageerada howlgalka Midowga Afrika ,ayada oo mas’uuliyadda amniga, si tartiib tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.

Hase yeeshee Midowga Afrika ayaa doonaya wada-tashi deg deg ah oo ay la yeeshaan QM iyo dowladda Soomaaliya iyo saamileyda kale si looga shaqeeyo u gudbidda howlgalka cusub ee lasoo jeediyey.

Ururka ayaa sidoo kale doonaya in la ballaariyo tirada dalalka ku tabaruca ciidamada Amisom, oo hadda ah shan dal oo kala ah; Ethiopia, Uganda, Burundi, Kenya iyo Djibouti, kuwaas oo ay Soomaaliya ka joogaan19,000.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika, QM iyo dowladda Soomaaliya ay go’aan ka gaari doonaan hadafyada, sharciyadda, iyo xaddiga howlgalka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here