Amniga Dhuusomareeb oo la adkeeyey iyo diyaargarowga doorashada oo laga dareemayo

gudiga doorashada galmudug

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa si aad ah looga dareemayaa dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan dhismaha maamulka Galmudug iyo u diyaargarowga doorashada madaxweynaha Galmudug.

Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu gudbisay guddiga doorashooyinka Galmudug liiska odayaasha saxiixayaasha oo 43 xubnood ah, kuwaas oo ahaa saxiixayaashii soo dhisey maamulka Galmudug.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa ay wadaa qorshaha habaynta iyo diyaarinta odayaasha.

Waxaa gudaha magaalada Dhuusamareeb laga dareemayaa u diyaargarowga hawlaha doorashada, ee lagu soo dooran lahaa madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaasi hoggaamin doona, ammaanka magaalada ayaanna si aad ah loo adkeeyay.

Maanta oo Sabtida ayaa lagu wadaa  in lasoo xareeyo Odayaasha saxiixayaasha Galmudug.

23-ka Bisha soo aadan ee December maalin Isniin ah, ayaa lagu wada in ay doorashadu si rasmi ah uga dhacdo Galmudug, sida ay iclaamiyeen guddiga u xilsaaran arrimaha doorashooyinka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here