Aqalka Sare oo ansixiyey SHARCIGA doorashooyinka

aqalka sare

Xildhibaanada golaha aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa waxa ay dood adag ka yeesheen akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyaga oo maanta ugu dambeyn ansixiyay sharcigaasi.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ee ka soo baaraan-dagiga sharciga doorashooyinka Senator Maxamed Amiir Sheekh Cusmaan ayaa markii hore Golaha ka hor akhriyay sharcigan wixii ay ka soo baaraan dageen oo ay turxaan bixin ku sameeyeen.

Codeyn kadib, guddoonka golaha aqalka sare ayaa sheegay in cod aqlabiyad leh ay Senetarada golahaasi ku meel mariyeen sharciga doorashooyinka qaranka oo dood adagi ay ka taagnayd.

Sharcigan waxaa ogaaladay 27 Senatar, Waxaa diiday 6, Cidna kama amuusin.

Sharcigaan ayaa horay waxaa u soo meel mariyay 28-kii December xildhibaanada golaha shacabka Soomaalia. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu saxiixo Sharciggaan si uu dhaqan galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here