Aqriso magacyada guddiga dib u heshiisiinta Gedo ee Rooble uu magacaabay

rw Rooble5

Ra’iisul wasaare Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa isago ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, waxa uu magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland.

Rooble ayaa Guddiga uu magacaabay wuxuu faray inay si deg deg ah u howl-galaan una bilaabaan arrimaha dib u heshiisiinta Gobolka Gedo, iyagoo wadatashiyo la sameenaya dhammaan dhinacyada dib u heshiisiinta khuseyso.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in howlaha ay qabanayaan guddiga ay la jaan qaadi doonaan qodobka sedexaad ee heshiiskii ay Muqdisho 27 May ku saxiixdeyn Ra’iisul Wasaaraha, madaxda Mamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Guddiga uu magacaabay Rooble oo ka kooban 4 xubnood oo ka kala socdo Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug ayaa kala ah:

  1. Wasiirka Arrimaha gudaha ee HirShabelle, Maxamed Cali Caadle
  2. Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
  3. Wasiirka Qorsheynta Maamulka Koonfur Galbeed, Axmed Madoobe Nuunow
  4. Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Galmudug, Aadan Cismaan Xuseen

Qodobka 3-aad ee heshiiski 27 May ee la faray inay guddigaan ku shaqeeyaan ayaa u qornaa sidaan

  • Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ugu baaqayaan bulshada Gobolka Gedo in laga shaqeeyo nabadda, midnimada iyo wadajirka bulsho iyo kan maamul ee Jubaland.
  • Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalku uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta Gobolka Gedo si ay habsami ugu dhacdo doorashada Gobolka Gedo.
  • Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu go’aamiyey abuuridda guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo aysan ku jirin Jubaland si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhabo.
  • Guddigu wuxuu ka masuul yahay abuuridda jawi xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo ay ku qabsoomi karto doorasho wada oggol ah oo ka dhacda Magaalada Garbahaarey iyagoo si dhaw ula shaqeynaya Ra’iisul Wasaaraha XFS.
  • Gudigu wuxuu soo jeedinayaa min labo Xubnood ee jagada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Garbahaareey iyagoo latashanaya Bulshada qaybaheeda kala duwan.
  • Guddiga waxaa lagu soo magacaabayaa muddo 3 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan.
  • Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka Degmada Garbahaarey ee ay soo gudbiyeen Guddiga dib u heshiisiinta si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamada 16 February 2021 ee Baydhabo.
  • Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu farayaa Guddiga dib u heshiisiinta in ay ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta Gobolka Gedo guud ahaan iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey muddo 30 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa magacaabidda Guddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here