Arday reer Muqdisho ah oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe

arday garoowe

Dhawaan waxaa Magaalada Garoowe gaaray arday aqoon korosi u socotay oo ka tirsan jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho, waxaana si cajiib ah usoo dhaweeyay isla markaana qaabilay ardayda jaamacadda PSU.

Ururrada bulshada ee ka howl gala Puntland ayaa kaalin mug leh ka qaatay soo dhaweynta ardayda reer Muqdisho, oo intooda badan ay u ahayd markii ugu horreysay ee ay tagaan Garoowe iyo guud ahaan Puntland.

Arday kasta waxa uu la dagay arday kale oo ka tirsan jaamacadda marti galisay, arrintaas ayaana noqotay mid si aad ah loogu riyaaqay.

Qaar ka mid ah ardayda ka socotay Muqdisho oo ay BBC-da la kulantay ayaa sida loo qaabilay ku qeexay wax aysan marnaba filaneyn, iyagoo aad u jecleystay hannaanka quruxda badan ee loo qaabilay.

Raxma Maxamed Xirsi oo la hadashay wariyaha BBC-da ee Garoowe, Axmed Cawil, ayaa cabirtay dareenkeeda ku aaddan soo dhaweynta loo sameeyay.

“Waligeyba waa jeclaan inaan Punland imaado laakiin waxay ila ahayd in aan la isku gudbi karin, balse hadda waxay ii tahay billow qurux badan, soo dhaweyn aad u fiican ayaa naloo sameeyay waxaana la daganahay arday isla maadadada aan aniga barto ka dhigata halkaan”, ayey tiri Raxma.

Gabadhan ayaa sheegtay in ardayda sida quruxda badan ugu qaabishay Puntland ay iyaguna ku soo dhaweyn doonaan Muqdisho.

“Waxaan rajeyneynaa in ardayda halkaan nagu marti qaadday ay sidoo kale halkaas(Muqdisho) noogu imaadaan, waliba maadaama aan annagu isbaranay waxaan sii bari doonnaa oo ay la dagi doonaan arday kale oo dhiggooda ah”, ayey tiri.

Cabdiraxmaan Axmed Saciid, oo ka mid ah ardayda Jaamacadda PSU ee qaabishay ardayda reer Muqdisho ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin booqashada walaalahooda.

“Isbarasho ka dib waxaan ardayda reer Muqdisho u sameynay dal barasho, maadaama ay intooda badan yihiin dhallinyaro hadda soo kacday oo fikrado khaldan ka heysta dalka. Qaarkood markii aan wareystay waxay ii sheegeen in Garoowe ay ka aaminsanaayeen iney tahay masrax siyaasadeed oo kaliya”.

Hani Kadi Xasan oo markii ugu horreysay tagtay Garoowe ayaa sheegtay in fikir kale ay ka heysatay magaalada.

“Wax badan ayaan ku lugeeyay magaalada, meelo badan ayaana arkay, uma maleyn jirin iney magaaladu sidan u weyn tahay, waxaan filayay iney tahay meel aad u yar oo aan dhisme iyo laamiyo toona lahayn, laakiin hadda waxaan ogaaday iney tahay magaalo aad u qurux badan waxaana rajeynayaa inaan mar kale imaado”, ayey tiri Hani.

Sidoo kale, Sakariye Axmed Cumar oo ah madaxweynaha xukuumadda ardayda ee Jaamacadda Simad ayaa nooga warramay dareenkiisa.

“Waa markii ugu horreysay ee aan imaado Puntland, aad baan ugu faraxsanahay inaan marti u noqono ardayda iyo bulshada Garoowe, halkan waa dhulkeenna dadka joogana waa dadkeenna, markii si loo fiiriyana marti kama nihin”, ayuu jiri.

Booqashada ay ardayda jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho ku tageen Garoowe ayaa qeyb ka ahayd barnaamij aqoon kororki iyo iska dhex galka dhallinyarada ah, kaasoo sida muuqata si weyn loogu guuleystay.


NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.