Arrinta shakhsi ahaan u khuseysa Pompeo ee loo dilay Janaraal Suleymaani

sec Pompeo

Saraakiil kooban oo Mareykankan ah diiradda ugu weyn saarayay Iiraan, si la mid ah sida Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo, sida ay qormadan ku sharraxeyso wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Suzanne Kianpour. Mr Pompeo arrinta la xiriirka Iiraan waxay u ahayd dagaal u khuseeya si shakhsi ahaan ah.

Horraantii bishan January, Mareykanku wuxuu duqeyn ka dhacday magaalada Baqdaad ku dilay Qaasim Suleymaani, oo ahaa janaraalka ugu awoodda badan milatariga Iiraan.

Dilka Suleymaani ma wuxuu si shakhsi ah u khuseeyay Pompeo?

Horaantii 2016-kii, Pompeo oo markaas ahaa xildhibaanka golaha wakiillada Mareykanka u matalayay degmo ka tirsan gobolka Kansas, ayaa ka tanaasulay codsiga dal-ku-gal uu ku doonayay inuu ugu safro waddanka Iiraan. Warqaddiisa codsiga visaha ah wuxuu si toos ah ugu diray hoggaamiyaha sare ee Iiraan Ayatollah Khamenei.

Isaga iyo labo xildhibaan oo ay aqalka ka wada tirsanaayeen ayaa gawaari muraayado madow ku tagay safaaradda Pakistan ay ku leedahay Washington, halkaasoo ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku leedahay xafiis wakiil uga ah danaha diblomaasiyadeed ee Mareykanka, maadaama uusan xiriir rasmi ah ka dhaxeynin Tehran iyo Washington.

Ujeeddooyinka ay lahaayeen raggaas ka tirsanaa golaha wakiillada waxay ahaayeen kuwo aad u qota dheer oo ay ku han weynaayeen.

Waxay rajeynayeen inay Tehran tagaan si ay u kormeeraan doorashada baarlamaanka oo xilligaas dhaceysay, inay booqdaan warshadaha lagu bacrimiyo nuclear-ka, inay kulamo lasoo yeeshaan madaxda sare ee Iiraan, inay soo booqdaan maxaabiista Mareykanka ah, inay sharraxaad kasoo helaan barnaamijka sameynta gantaallada ee dalkaas iyo arrimo kale.

Hase ahaatee, raggan ma aysan ku guuleysanin inay dowladda Mareykanka ku qanciyaan safarkooda, iskaba daa inay Iiraan tagaane, laakiin Pompeo wuxuu diray farriin cad – oo ahayd inuu Iiraan ku yiri ‘isha ayaan idinku heyn doonaa’.

Hal sano ka dib, Popmpeo wuxuu ku guuleystay doorkii uu ka ciyaarayay siyaasadda, si dhakhso ahna wuxuu ugu biiray saraakiisha sare ee Mareykanka.

Wuxuu shaqo ka helay maamulka madaxweyne Trump, isagoo noqday madaxa sirdoonka Mareykanka.

Sarkaal reer Iiraan ah ayaa si kaftan ah u sheegay in ay wanaagsanaan lahayd in Pompeo loo oggolaado visaha, wuxuuna yiri; “Waxaan Tehran ku heysan lahayn agaasimaha CIA-da”.

Intii lagu guda jiray lixdii sano ee uu Pompeo ka tirsanaa aqalka wakiillada, wuxuu ku howlanaa ha arrin oo ahayd inuu ka salgaaro weerarkii 2012-kii lagu qaaday xarunta qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada Benghazi, Libya, kaasoo lagu dilay safiirkii Mareykanka Christopher Stevens.

Wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii xisbiga Jamhuuriga ee hor-kacayay dacwaddii loo heystay musharraxii xilka madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraaddiga, oo horay u ahayd xog-hayaha arrimaha dibadda, Hillary Clinton, taasoo uu ku eedeeyay inay dadaal u sameyn weysay badbaadinta safiirka iyo saddex kale oo saraakiisha Mareykanka ah, oo weerarkaas lagu dilay.

Laakiin wuxuu sidoo kale isha ku hayay ciidamada gaarka ah ee ilaalada jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan(IRGC).

Ciidamadaas oo uu Pompeo ku tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen weerarka safaaradda Mareykanka, waxaa madax u ahaa Qaasim Suleymaani.

Maadaama uu xubin joogto ah ka ahaa guddiga dhinaca sirdoonka ee Aqalka Wakiillada, Pompeo wuxuu mar walba sirdoonka Mareykanka ugu baaqi jiray inay hoos u eegaan ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan iyo Janaraal Qaasim Suleymaani.

Wuxuu muddo sannado ah si shakhsi ah diiradda u saarayay dhaqdhaqaaqyada Suleymaani.

Sidaas darteed, markii ay iskeentay fursadda xididdada loogu siibi karo Suleymaani, Pompeo wuxuu ka mid ahaa dadkii madaxweyne Trump kula taliyay in laga faa’iideysto, iyadoo xitaa la ogaa in tallaabadaas ay horseedi karto dagaal iyo inay dunida ka abuurmaan unugyo argagixiso ah oo salka ku haya Iiraan.

Walaaca ku saabsan in Iiraan ay maleyshiyaadka Iiraan ay argagixiso isku baddalaan wuxuu dilka Suleymaani ka hor istaagay labadii madaxweyne ee horay usoo maray Mareykanka Barack Obama iyo George W Bush.

Go’aankii lagu bartilmaameedsaday janaraalka reer Iiraan wuxuu ahaa mid labo waji u leh Pompeo.

Kan koowaan oo ah in laga hortago weerar la mid ah kii qunsuliyadda Benghazi oo loo geysto safaaradda Mareykanka ee Baqdaad.

Kan labaadna waa inuu ka aargoostay ciidamada IRGC, oo uu ciil u qabay xilligii uu ka tirsanaa dugsiga milatariga Mareykanka.

Xilligaas wuxuu Pompeo ku jiray tababar intii u dhaxeysay 1982-kii ilaa 1986-kii, waxaana kacsanaa xiisado ay ku lug lahaayeen Iiraan iyo xoogga ay taageerto ee Xisbullah oo ka socday dalka Lubnaan.

Dagaalkii qaboobaa ee dunidana wali wuu socday, sidaas awgeedna waxaa Pompeo loo diray dalka Jarmalka, si uu halkaas uga soo shaqeeyo isagoo askari ka ah milatariga Mareykanka.

Wakhtigaas, 241 askari oo ka tirsan mariiniska Mareykanka ayaa ku dhimatay weerar lagu qaaday safaaradda uu Mareykanku ku lahaa magaalada Beyruut, qaar kalena waa la afduubtay.

Halistii midowga Soviet way jirtay markaas, laakiin Pompeo oo nin da’ yar ahaa wuxuu khatarta ugu weyn u arkayay Iiraan iyo xoogagga ay taageerto.

Dib haddaan ugu soo laabanno xaaladda hadda jirta oo 35 sano ka dib ah, Mareykanku wuxuu khasaarihii ugu weynaa u geystay halista Iiraan.

“Tallaabadan waxay wax weyn u tahay Pompeo, sababtoo ah wuxuu madaxweynaha ka dhaadhiciyay sida uu dilka Suleymaani muhiim u yahay”, sidaas waxaa yiri Michael Pregent, oo horay uga tirsanaa saraakiisha sirdoonka Mareykanka ee kasoo shaqeeyay Ciraaq, dhawanna aqalka Congress-ka hortiisa ku markhaati furay heerka ay gaarsiisneyd saameynta uu Suleymaani ku lahaa Ciraaq.

“In Iiraan laga dilo Qaasim Suleymaani ayaa uga daran in laga burburiyo nuclear-ka ama ciidamada badda oo dhan”, ayuu yiri Pregent, oo intaas kusii daray; “Ninkan wuxuu ahaa qofka ugu muhiimsan ee laga dili karay Ayatollah”.

Sarkaalkan wuxuu horay dheer jeer Pompeo sharraxaad ka siiyay habka ay u shaqeeyaan ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan.

Pompeo at a White House briefing

In meesha laga saaro Suleymaani waxay xukuumadda Baqdaad u sahashay inay fursad u heshi sidii ay u baabi’in lahayd saameynta iyo galaangalka ay Iiraan ku leedahay dalkaas.

Waxay tallaabadaas Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka siisay labo guulood oo kala ah dhinaca diblomaasiyadda iyo dhinaca milatariga.

Hase ahaatee Pompeo howshiisa kuma eka dhinaca Arrimaha dibadda oo kaliya, sida uu sheegay nin horay xulafo dhow ula ahaa.

Steve Bannon, oo ah ninkii ka dambeeyay guushii Trump uu kasoo hoyiyay doorashadii madaxtinnimada ee 2016-kii, horayna lataliye uga soo ahaa Aqalka Cad, ayaa sheegay in Pompeo uu dusha ka maamulo wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka, iyo waaxda sirdoonka ee CIA-da, sidoo kalena uu lataliye ka yahay amniga qaranka.

Madaxweyne Trump wuxuu Pompeo ula sheekeystaa si uusan ula sheekeysanin dhammaan wasiirradiisa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here