Askar AMISOM ka tirsan oo shacab Soomaali ah laayey oo dil toogasho lagu xukumay

ciidamada amisom burundi

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay maxkamadeynta 5-tii bishan ka bilaabatay Maxkamadda AMISOM ee Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Waxaa halkaas lagu dhageysanayay kiis dacwadeed loo haystay shan askeri oo AMISOM ka tirsan kuwaas oo lagu helay “in ay dad rayid ah ku dileen” deegaanka Golwayn ee Shabeellaha Hoose.

Dhacdada oo ahayd bishii August ee sannadkan, waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay.

Labo ka mid ah askartii la soo eedeeyay oo u dhashay Ugandha ayaa lagu xukumay dil, halka seddaxda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah.

Goobta xukunka uu ka dhacay waxaa joogay qaar ka mid ah ehellada dadkii rayidka ahaa ee la dilay, oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida uu xukunka u dhacay.

Afhayeenka Beeralleyda Gobolka Shabeellaha Hoose, Xuseen Cismaan Waasuge, oo ku sugnaa maxkamadda, kaas oo la hadlay BBC Somali wuxuu sheegay in “Maxkamadda maantaa la soo gebagebeeyay.”

“Waxaa Ugandha ka yimid (xubno ka tirsan) maxkamadda ciidamada. Jimcahii ayey billaabatay. Laba maalmood waxaa hadlay dadkii ku caddeynayay dembiga. Anaga waa nalagu casuumay, waana dhageysaneynay”, ayuu yiri Xuseen.

“Xalano ayey maxkamadeynta ka dheceysay, laakiin anaga wax Soomaali oo qareen ah oo noo doodayay ma jirin. Marqaatiga nalaga dalbadayna waa hal wiil oo ninka beerta iskalahaa uu dhalay. Toddobo qof ayaa ku marqaati furay oo lix ka mid ah ay yihiin ciidanka Ugandha ee meesha joogay”.

“Ninkii kabtanka ahaa ee ciidanka watay waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii ku xigay ee watay unugga wax laayay, waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii maydka miinada dul saaray ee ku qarxiyayna waxaa lagu xukumay 39 sano oo xabsi ah”.

Labadii nin ee xabadda ku furtayna waxaa lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah”, ayuu yiri

Ciidamada AMISOM oo aanu la xiriirnay ayaan weli xaqiijinin arrintan, balse waxay horey u ballan qaadeen in tallaabo adag laga qaadayo ciidanka haddii dembiga lagu caddeeyo.

Afhayeenka Beeraleyda Shabeellaha Hoose, Xuseen Cismaan Waasuge, wuxuu yiri: “Anaga aad iyo aad ayaan ugu faraxnay. Cuqdadii iyo cadaawaddii aan u qabnay Ugandha (meesha way ka baxday). Runtii waa farxad aan la koobi karin. Dadka waa la iska dili jiray lagamana hadli jirin. Waa taariikh ku cusub waddanka”.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, wuxuu dhacdadaas Golwayn ka dhahay in askartii dilkaasi geysatay la ciqaabayo isla markaana magdhow la siinayo qoysaskii dadkooga la laayay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay inaysan aqbali doonin, raallina aanay ka ahayn in shacabka Soomaaliyeed dhib loo gaysto.

Raiisul wasaaruhu waxa uu hadalkaasi sheegay kaddib markii uu kulan la qaatay safiirka waddanka Uganda u fadhiya magaalada Muqdisho iyo taliyaha qeybta ee howlgalka ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM, kuwaas oo ay ka wadahadleen, sidii xal looga gaari lahaa dadkii ay AMISOM dhawaan ku dhileen degmada Golweyn, gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo AMISOM ayaa horey u sheegay in baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen lagu ogaaday in toddobo qof ay ciidamadooda ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ahaayeen dad rayid ah oo aysan ahayn xubno ka tirsan Al-Shabaab, sidii AMISOM ay horey u shaacisay.

War-saxaafadeed ay AMISOM soo saartay dhammaadkii bishii siddeedaad ee sannadkan ayaa lagu sheegay in dhacdadaasi la baarayo isla markaana askartii geysatay dilka lala xisaabtami doono.https://www.bbc.com/ws/av-embeds/cps/somali/war-59244803/p09rvfdx/soQoraalka Codka,

AMISOM “dadkii inta indhaha ka xireen oo miino ku fariisiyeen ayey ku qarxiyeen”

Ka dib markii dhacdadaas ay dhacday waxay hoggaanka AMISOM la kulmeen cuqaal, xubno ka tirsan bulshada iyo mas’uuliyiinta dowladda, kuwaa oo sida ay sheegaty ay u caddeeyeen in aan marnaba la aqbali karin falal dambiyeedyada ay ciidamadu u geystaan dadka rayidka ah.

AMISOM waxa ay intaasi ku dartay in baaritaanka iyo dabagalka dhacdadaasi loo saaray guddi baaritaan oo ka kooban toddobo xubnood oo durbaba billaabay baaritaankooga.

Baaritaankaasi waxaa sida ku cad war-saxaafadeedka AMISOM horkacaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada AMISOM iyo laba xubnood oo kale oo ka tirsan guddiga Midowga Afrika ee fadhigiisa yahay magaalada Addis Ababa.

Waxaa sidoo kale guddigaasi baaritaan xubin ka ah sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saddex sarkaal oo sar-sare oo ka kala tirsan milatariga, booliska iyo xarunta hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Qoraal horey uga soo baxay AMISOM waxaa lagu sheegay in dowladda Uganda ay madaxda hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya, u xaqiijisay in maxkamad milatari gudaha Soomaaliya lagu saari doono askarta ay ku caddaato in ay dilkaasi geysteen.

11-kii bishii August, waxay AMISOM sheegtay “in ay soo gaareen warar sheegaya in Golweyn ay ku dhinteen dad rayid ah kaddib markii ciidamo ka socday AMISON lagu weeraray inta u dhaxeysa Beled-Aamiin iyo Golweyn.”

10-kii isla bishaas ayay ahayd markii kolonyo ciidamada Uganda ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn ay waddada u galeen dabley ka tirsan Al-Shabaab, halkaasina uu dagaal culus ka dhacay.

Dagaalka Kaddib ayaa sida la sheegay ciidamada Uganda waxa ay shan qof oo rayid ah kala baxeen beer ku taalla meel u dhow halka uu dagaalku ka dhacay, iyagoo sidoo kalena laba darawal kala dagay gawaaridii ay wateen.

Gudoomiyaha Deegaanka Shalambood, Nuur Cusmaan Raage oo isla maaalintaasi BBC-da la hadlay ayaa ciidamada AMISOM ku eedeeyay in dadkaasi rayidka ah ay laayeen.

“Inta indhaha ka xireen ayay ku fariisiyeen miino, ka dibna way ku qarxiyeen”, ayuu yiri guddoomiye Nuur.

“Iyadoo xabbado la isku ridaayo haddii dadka ay dhintaan, qofba meel ayuu ku dhimanayaa. Dadkan waa dad la soo uruuriyay oo gacmaha iyo indhaha laga xiray, kaddibna la laayay waayo”, ayuu yiri.

AMISOM ayaa isla maalintaasi barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraal ku saabsan dagaalkaasi, waxa ayna sheegtay: “Intii is-difaaciddu ay socotay, toddobo argagixiso ah ayaa lagu dilay, kuwa kalena waa lagu dhaawacay, hubna waa la soo qabtay.”

“AMISOM waxay bogaadineysaa geesinnimada iyo howlgalka deg degga ah ee askarteeda oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay”, ayaa lagu yiri qoraalkaasi AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here