Awoodda iyo hubka Xamaas ay heysato

gantaalada xamaas

Inkastoo qasaare isugu jira dhimasho, burbur iyo dhibaato ay kasoo gaartay labada dhinacba cadaawadda sii xoogeysaneysa ee u dhaxeysa ururrada Falastiinuyiinta ee ku sugan Qasa iyo militariga Israa’iil, haddana farqiga awoodeed ee labada dhinac ayaa ah mid aad u weyn.

Israa’iil ayaa si xad dhaaf ah uga awood badan Falastiiniyiinta, waxaana ciidamadeeda cirka, diyaaradaheeda uusan duuliyaha saarneyn iyo hannaankooda sirdoonka ay sahlayaan in ay fuliyaan duqeymo badan oo ka dhan ah Qasa.

Waxay Israa’iil ku adkeysaneysaa in weerarrada ay qaaddo ay yihiin kuwo xakameysan oo lala beegsado meelo lagu tuhmo in loo isticmaalo dano ciidan. Laakiin saameynta gaareysa dad weynaha iyo sida ay Xamaas iyo kooxaha kaleba ugu hoos gabbadaan dhsimeyaasha dadka rayidka ah ku jiraan ayaa sababeysa in ay suurtagal noqon weyso in laga hortago khasaaaraha gaaraya shacabka.

Xamaas iyo Islamic Jihad – inkastoo ay yihiin kuwo ka awood yar Israa’iil – haddana waxay heystaan hub ku filan inay ku weeraraan Israa’iil. Durbaba waxay isku tayeen isticmaalka xeelado kala duwan.

Qalabka difaaca Israa’iil wuxuu dhulka soo dhigay drone – ay suuragal tahay inay hubeysneyd – taasoo isku dayeysay in ay Qasa uga tallowdo dhinaca Israa’iil.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil-na wuxuu sheegay in “garab ka tirsan Xamaas” ay isku dayeen inay u dusaan Israa’iil iyagoo sii maraya dhuumo dhulka hoostooda ah iyagoo ka baxaya dhinaca koonfureed ee marinka Qasa.

Militariga Israa’iil ayay u muuqatay in ay heysteen digniino lasii gaarsiiyay oo ku saabsan arrintan, sida uu sheegay afhayeenka, waxaana u suurtagashay in ay “dhuumahaas xiraan”.

Rockets are launched by Palestinian militants in Gaza towards Israel (10 May 2021)
Qoraalka sawirka,Israa’iil waxay sheegtay in wax ka badan 1,000 gantaal looga soo tuuray dhinaca Qasa tan iyo Isniintii

Laakiin hubka kaas aad uga awoodda badan ugana saameynta badan ee ay Falastiiniyiintu heystaan waa madaafiicda goobaha dagaalka loo adeegsado oo noocyo kala duwan leh. Waxaa kuwaas laga tuuri karaa dhulka iyadoo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha ciidamada ee isla dhulka.

Qaar ka mid ah gantaalladaas iyo kuwo kale (oo lagu riday qalabka lidka taangiyada oo la adeegsaday maalmihii lasoo dhaafay), ayaa la aaminsan yahay in Falastiiniyiinta loo gudbiyay iyadoo loo sii marinayo dhuumo dhulka hoostiisa ah oo ku hoos yaalla gacanka Siinaay ee dalka Masar.

Hase yeeshee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa gudaha Qasa ku sameysta hubka iyagoo ku farsameeya warshado la qariyay oo ku yaalla meelo ka mid ah Marinka Qasa laftiisa.

Khubaro reer Israa’iil ah iyo kuwo caalami aha waxay rumeysan yihiin in seynisyahanno u dhashay Iiraan ay gacan weyn ka geystaan dhismaha warshadahaas lagu sameeyo hubka.

Sida ay Israa’iil ku andacootay, duqeymaheeda waxay inta badan ku beegsataa goobaha lagu warshadeeyo hubka.

A Palestinian man walks past the remains of a tower block in Gaza City that was destroyed in an Israeli air strike (12 May 2021)
Qoraalka sawirka,Militariga Israa’iil ayaa boqollaal duqeymo ah ka fuliyay Qasa iyagoo uga jawaabaya Gantaallada laga soo tuuray halkaas

Suuragal ma aha in la qiyaaso tirada qantaallada u keydsan ururka Xamaas.

Waxaase hubaal ah in ay heystaan hub faro badan oo tiiradoodu ay meelo kala duwan gaareyso. Sida cad, militariga Israa’iil waxay heystaan qiyaastooda u gaarka ah oo aysan dooneynin inay warbaahinta la wadaagaan. Afhayeennadoodu waxay sheegaan oo kaliya in Xamaas ay dagaalka noocan ah iyo tuurista gantaallada sii wadi karaan “Waqti dheer”.

Gantaallada ay Falastiiniyiintu tuuraan ilaa hadda kama muuqato inay yihiin kuwo cusub marka la eego sida ay u naqshadeysan yihiin. Balse qiimeynta guud ee lagu sameeyo waxay qeexeysaa inay kordhiyeen awooddooda iyo qaraxyada ay sababi karaan.

Map showing ranges of Hamas' missiles
1px transparent line

Walow magacyada iyo naqshdaha gantaallada qaar ay jahwareer keeni karaan, Xamaas waxay soo hindistay gantaallo badan oo kuwa riddada gaaban ah sida midka loo yaqaanno Qassam (oo gaari kara ilaa 10km oo u dhiganta 6 meyl) iyo mid la yiraahdo Quds 101 (oo tiiradiisu ay gaareyso ilaa 16km); kuwaasoo lagu sii xoojiyo qalabka Grad (oo gaarsiinaya ilaa 55km); iyo Seji 55 (oo gaarsiinaya ilaa 55km).

Qalabkan waxaa la aaminsan yahay in ay iyagu soo hindiseen islamarkaana u adeegsadaan inay ku fogeeyaan gantaallada riddada gaaban leh oo lagu sii kordhinayo dab dheeri ah.

Laakiin Xamaas waxay sidoo kale adeegsataa gantaallo nooca riddada dheer ah, sida M-75 (oo gaari kara ilaa 75km); Fajr (oo gaaraya ilaa 100km); R-160 (oo gaaraya ilaa 120km); iyo xoogaa M-320s ah oo gaaraya masaafe dhan 200km.

Sidaas darteed way caddahay in Xamaas ay heysato hub lagu garaaci karo magaalooyinka Qudus iyo Tel Aviv labadaba, iyo in ay halis galin karaan guud ahaan marinta xeebta oo ay daggan yihiin tirada ugu badan ee shacabka reer Israa’iil ayna ku yaallaan kaabeyaasha ugu muhiimsan.

The Israeli Iron Dome anti-missile defence system in action in Ashkelon, Israel (11 May 2021)
Qoraalka sawirka, Qalabka difaaca hawada ee Israa’iil ayaa lasoo tabiyay inuu qabtay 90% ka mid ah gantaallada lagu tuuray Israa’iil

Taliska militariga Israa’iil ayaa sheegay in gantaallada tiradoodu gaareyso 1,000 ee lagu soo tuuray saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay 200 oo ka mid ah ka gaabiyeen bartilmaameedkii loo waday ee laga soo hagay dhinaca Qasa (sababtuna ay u badan tahay in ay tahay gantaallada gudaha lagu farsameeyo oo aan tayo wanaagsan lahayn).

Saraakiisha dhinaca difaaca ee Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in 90% ka mid ah gantaalladii lagu soo tuuray uu qabtay qalabkooda difaaca hawada ee loo yaqaanno Iron Dome. Hase yeeshee, wararku waxay sheegayaan in qalabkii difaacayay hawada magaalada Ashkelon uu mar shaqeyn waayay cillad farsamo awgeed, taasoo meesha ka saartay inuu guto shaqadii loo igmaday, balse micnaheedu aysan ahayn in gantaallada ay awooddooda ku dhaafeen.

Streaks of light are seen as Israel's Iron Dome anti-missile system intercepts rockets launched from the Gaza Strip towards Israel, as seen from Ashkelon, Israel (12 May 2021)
Qoraalka sawirka,Iftiin kala firdhanaya ayaa la arkayay markii uu qalabka difaaca hawada ee Iron Dome qabanayay gantaallada Arbacadii lagu tuuray agagaarka magaalada Ashkelon

Si loo qabto gantaallada lasoo tuuro waxaa jira dhowr tallaabo oo xaddidan. In loo diro qalabka lidka gantaallada. In la duqeeyo keydka gantaalladaas iyo warshadaha lagu sameeyo. In la sameeyo howlgal dhinaca dhulka ah oo dib loogu riixo aagagga laga soo tuuro gantaalladaas oo la geeyo meelo aysan masaafahooda soo gaareynin bartilmaameedka.

Tallaabadan ma suuroobi karto marka la eego xaaladda taagan. Falastiiniyiintu ma laha meel kale oo ay aadaan. Waxaa suuragal ah in la fuliyo howlgal dhinaca dhulka ah oo lagu caburo gantaallada. Laakiin sida uu muujiyay howlgalkii militari ee Israa’iil ay ka fulisay Qasa sanadkii 2014-kii, waa in la eego qasaaraha soo gaaraya dadka.

Intii uu socday howlgalkaas waxaa lagu dilay 2,251 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 1,462 rayid ah, halka dhinaca Israa’iil ay ka dhinteen 67 askari iyo lix shacab ah.

Tuurista gantaalladan ee dib usoo noqotay iyo duqeymaha looga jawaabayo ma aha kuwo labada dhinac midna horumar gaarsiinaya. Waxaa laga yaabaa kaliya in ay socdaan inta wareeg kale laga gaarayo. Dad badan waxay ku doodayaan in xiisadda ka dhalatay Qudus ay sabab u tahay qalalaasahan cusboonaaday, taasoo astaan kale u ah in cadaawadda Israa’iil iyo Falastiin aan waligeed la iska indho tiri karin.

Israeli security forces inspect a home in the city of Ashkelon that was hit by a rocket fired from the Gaza Strip (11 May 2021)
Qoraalka sawirka,Xamaas waxay ku hanjabtay in magaalada Ashkelon ay u baddali doonto “naar” iyadoo ka aargudaneysa duqeymaha dhinaca cirka

Laakiin maadaama dalal badan oo Carab ah ay marba marka ka dambeysa la heshiinayaan Israa’iil; oo siyaasiyiinta reer Falastiin ay aad u kala qeybsan yihiin xilligan; arrintanina aysan qorshaha ugu jirin maamulka Israa’iil ee hadda jira, waxaa adag in wax horumar ah laga sameeyo helitaanka nabadda.

Si xal loo helo waxaa loo baahan yahay rabitaan dhab ah oo gudaha ah iyo dagaal xooggan oo laga sameeyo dibadda. Balse taasina hadda meelna kama muuqato.

Maqaalkan waxaa qoray Jonathan Marcus oo ah falanqeeye ku xeel dheer arrimaha dibadda horayna u ahaa wariyihii arrimaha difaaca iyo diblomaasiyadda ee BBC-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here