Axmed Madoobe oo xabsi guri ka dhigay Musharaxiintii ugu cad-cadeyd garabka isbedel doonka

Axmed Madoobe1

Magaalada Kismaayo oo habeenkii labaad uu bandaw ka dhaqan galay ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland waxaa caawa la dul dhigay guryo ay magaalada Kismaayo ka daganyihiin qaar ka mid ah musharaxiinta is badadal doonka ah.

Ciidamo la sheegay in si toos ah uga amar qaataan musharax Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa caawa isku wareejiyey labo guri oo ay kala deganyihiin musharaxiinta kala ah Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig.

Mid ka mid ah labadaas musharax ee guryahooda ay isku gedaameen ciidamadu ayaa waxa uu gurigiisu ku dhex yaalaa hoolka loogu tala galay in bari lagu qabto doorashada garabka is bedel doonka oo ay ku mideysanyihiin qaar kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyne ee maamulka Jubbaland.

Qaar ka mid Xildhibanada garab isbadaldoonka ee ka dhisan magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay in labadaas musharax guryahooda la dul dhigay ciidamo aad u badan, isla markaana lagu war galiyay inaysan guryahooda kasoo bixi karin.

22-ka bishan oo ku beegan bari oo khamiis ah ayaa labada garab ee ku loolamaysa doorashada Kismaayo, mid walbaa gaarkiisa u sheegay inuu doorashadiisa qabsan doono.

Saacado kooban ayaa ka dhiman waqtigii garab walba uu sheegay inuu qabsanayo doorashadiisa, waxaana la saadaali karin sida uu xaal noqon doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here