Baarlamaanka Kenya: Xildhibaan Faadumo Geeddi oo loo ganaaxay nacnac ay qeybisay

xildhibaanad faadumo geedi cali

Faadumo Geeddi oo ah xildhibaan ka soo jeedda gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa shalay shaqada baarlamaanka laga joojiyay hal maalin, kaddib markii nacnac-qori ay u qeybisay xildhibaannada xilli ay socotay dood kulul.

Faaduma Geeddi ayaa sheegtay in “heerka sokorta xildhibaannada ay hoos u dhacday” kaddib dood kulul oo hal maalin socotay.

Ndindi Nyoro oo ka mid ah xildhibaannada Kenya ayaa ku eedeeyay Faadumo inay lacag laaluush ahaan u qeybisay iyadoo ku sugan dhismaha baalamaanka.

“Kani waa aqal xushmad mudan, waxaanan go’aanka ku saleynaa is-qancin. Waa wax laga xumaado in la arko Faadumo Geeddi oo Sh100,000 u qeybineysa xildhibaannada si ay ugu codeeyaan sida ay dooneyso. Ma oggolaan karno in halkan laaluush lagu sameeyo iyadoo kaamirooyinku ay shidan yihiin,” ayuu yiri Nyoro.

Halkan ka daawo muuqaal laga soo qaaday xilliga eedeymaha laaluushka loo soo jeediyay Faadumo Geeddi:

Mudane Nyoro ayaa laga codsaday inuu caddeymo u keeno eedeymaha laaluushka, isagoo markii uu keeni waayayna shaqada laga joojiyay labo maalmood.

Faadumo ayaa iyadana hal maalin laga fadhiisiyay shaqada iyadoo loo heysto inay nacnac u qeybisay baarlamaanka.

“Heerka sokorta ee xildhibaannada ayaa hoos u dhacay. Waxaan qeybinayay nacnac,” ayay tiri Faadumo Geeddi.

Nyoro ayaa waxaa baarlamaanka ka saartay afhayeenka Soipan Tuya oo sheegtay inuu marin habaabiyay golahaas.

Xildhibaannada ayaa soo jeediyay dhowr isbeddello oo lagu sameynayo hindise sharciyeedka axsaabta siyaasadeed xilli la filayo inay sanadkan qabsoonto doorashada guud.

Xildhibaannada doodaya ayaa kala taabacsanaa musharrax Raila Odinga oo markii shanaad u taagan xilka madaxtinnimada iyo William Ruto oo ah madaxweyne kuxigeenka haatan, isla markaana doonaya inuu ku guulaysto jagada ugu sarreysa Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here