Baarlamaanka Puntland oo kulan xasaasi ah ka leh mataaladda gobolka Banaadir

CABDIRASHIID YUUSUF JIBRIIL gb puntland

Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah kulan xasaasi ah ka leh mataaladda gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare.

Kulanka oo ah mid deg-dega ah ayaa goor dhow ka furmay xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe.

Xildhibaanada Puntland oo si weyn uga soo horjeeday xeerkan ayaa la filayaa in go’aano ay ka soo saaraan kulankaasi oo haatan doodiisu bilaabtay.

Sidoo kale Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa intooda ku doodaya in hanaan qaldan loo maray xaqsiinta gobolka Banaadir oo 13 xubnoood ku yeelanaya Aqalka Sare.

Wararka qaar ayaa sheegaya in golaha wakiilada Puntland ay soo saari doonaan go’aan xiriirka loogu jarayo dowladda dhexe, laguna qaadacayo arrimaha doorashooyinka la filayo inay la qabto dhamaadka 2020/2021-ka

Arrinta mataaladda la siiyey gobolka Banaadir ee Golaha Shacabka waxaa ka soo horjeestay xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here