Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub

0
baarlamaanka df2

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda codka kalsoonid ah u siiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xamse Cabdi Barre.

Dhammaan xildhibaanada 220-ka ee soo xaadiray kalfadhiga ayaa u codeeyay Ra’iisul Wasaaraha, mana jirin qof diiday ama cid ka aamustay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa goobta ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here