Baarlamanka Puntland oo doortay 11 xubnood oo Puntland ku matala Aqalka sare

aqalka sare puntland

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah doortay Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland.

Xubnahan oo ka kooban 11 xubnood ayaa qaarkood lagu doortay hab gacan-taag ah kadib markii ay u tanaasuleen murashixiin kale oo kula qornaa kursiga Aqalka sare.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada xubnaha loo doortay Aqalka sare:

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
  2. Maxamed Cali Yuusuf Gagaab
  3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino)
  4. Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde)
  5. Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan).
  6. Daahir Ayaanle Siciid
  7. Farxaan Cali Xuseen
  8. Saynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye)
  9. Cabdiqani Geelle Maxamed
  10. Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad
  11. Sareedo Maxamed Xasan (Jeyte).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here