Baasaboor Soomaaliga oo horumar ka sameeyay liiska caalamka

passport somalia

Sanadkan 2022-ka, darajada baasaboorrada adduunka ayaa u muuqda inuu isbaddal ku dhacay marka la eego qeybaha ugu sarreeya.

Saameynta cudurka Covid-19 oo keentay in dalal badan ay xaddidaan galitaanka iyo bixitaanka ayaa horseedday in heerarkii baasaboorrada uu isbaddal ku imaado.

Baasaboorrada dadka adduunka qaarkood waxay u yihiin shey muhiim u ah oo loo baahan yahay in mar walba uu diyaar kuu ahaado, halka dad kalena ay u arkaan caqabad hor taagan socdaalka.

Bogga wax ka qora arrimaha socdaalka caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay’adda maamusha duulimaadyada caalamak ee IATA, ayaa sanad walba soo saarta liis muujinaya baasaboorrada adduunka iyo sida ay ugu kala horreeyaan fududaanta safarrada.

Baasaboorka waddanka Japan ayaa mar kale sanadkan 2021-ka kaalinta koowaad ka galay liiska baasaboorrada ugu awooda badan caalamka, marka la eego inta waddan ee lagu aadi karo dal ku gal la’aanta ama dal ku galka lagu qaato garoomada diyaaradaha ee dalalka loo safro.

Saddexda baasaboor ee ugu awoodda badan

Saddexda kaalmood ee ugu sarresa waxaa ku jira siddeed waddan oo boosaska isla wadaaga.

Japan iyo Singapore ayaa iskula jira kaalinta 1-aad.

Kaalinta 2-aad waxaa isku ciriirinaya dalalka Jarmalka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Afar wdadan oo isla soo galay kaalinta 3-aad ayaa iyana kala ah: Finland, Talyaaniga, Luxembourg iyo Spain.

Liiska sanadkan ayaa xoogaa ka duwan kii sanadkii tagay ee 2021-kii uu soo saaray bogga Helney, gaar ahaan marka la eego kaalmaha kore iyo kuwa ugu hooseeya intaba.

Dadka heysta baasaboorka dalalka Japan iyo Singapore ayaa dal ku gal la’aan ku tegi kara 192 dal oo caalamka, waxaana ay dal ku galka ka heli karaan meesha ugu horreysa ee ay ka galaan dalalkaas.

Shanta kaalmood ee ugu horreeya liiska 2022-ka

  • Japan, Singapore (192)
  • Jarmalka, Kuuriyada Koonfureed (190)
  • Talyaaniga, Finland, Spain, Luxembourg (189)
  • Denmark, Austria, France, Sweden, Netherlands (188)
  • Ireland, Portugal (187)

Qeybta ugu hooseysa waxaa wali kaalinta ugu dambeysa ku jira baasaboorka waddanka Afghanistan, oo sannado badan ahaa midka ugu liita caalamka.

Baasaboorka Soomaaliga ayaa sanadkan sameeyay sare u kac yar, waxaana uu ka kor maray baasaboorka hal waddan oo kale.

Sidaas waxa uu baasaboor Soomaaliga ku noqday kan lixaad ee ugu liita caalamka, halkii uu sanadkii hore ka ahaa midka shanaad. Baasaboorka Yemen oo horay uga sarreyn jiray kan Soomaaliga ayaa hadda hoos usoo dhacay, Soomaaliga ayaana kaalintaas qaatay.

Sidsaas awgeed, baasaboorrada dalalka Yemen, Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan ayaa ka wada hooseeya baasaboor Soomaaliga.

Kaalinta 106-aad ayuu ku jiraa baasaboor Soomaaliga, waxaana dal ku gal la’aan lagu tagi karaa ilaa 34 waddan oo ku yaalla caalamka.

Shacabka Yemen ayaa dal ku gal la’aan ku tegi kara 33 waddan.

Pakistan ayaa baasaboorkeeda waxaa u sahlan 31 waddan.

Baasaboorka Suuriya ayaa dal ku gal la’aan lagu tagi karaa 29 waddan, iyadoo Ciraaq keeda lagu tagi karo 28 waddan, halka midka Afghanistan lagu tagi karo 26 waddan oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here