Badhasaab Gargaar ma Maxamed Kaahin iyo fadeexadii Dhumay baa loo sadqeeyey mise isbedelkii M Muuse baa ku dhan?

kaahin iyo gargaar

Waxaa hubaal ah nin colaadii Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool ay ahayd fadeexadii ugu weynayd ee intii Somaliland jirtay soo marta, waxay Somaliland ku soo jeedisay indhihii umadda Soomaaliyeed, wadamada deriska iyo Beesha Caalamka.

Colaaddii Dhumay ee nafaha badani ku dhinteen ayaa dad badani aaminsan yihiin in Somaliland labada dhinacba isku hubaynaysay oo aanay daacad ka ahayn.

Waxaa nabadeynta colaadaas hormuud ka ahaa Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Kaahin oo weliba marka uu goleyaasha fadhiyo ay caado u ahaan jirtay “Dhulbahante anigaa aqaanee yaan lay dhaafin”.

Wasiirku wuxuu ku fashilmay;

  1. Inuu Beelihii nabadgelyo sal adag ka dhex dhaliyo.
  2. Inuu labadii qoloba ciidamadoodii kala qaado ciidamo kalena kala dhexdhigo.
  3. In markii dhibtii Dhumay dhacday uu gurmad dhiig joojin ah oo kala dhexgala u diro.
  4. In shacabkii colaadaha ku baro kacay uu dheef gaadhsiiyo (Biyo iyo Cunto).
  5. Inuu goobtii dhibtu ka dhacday tago oo dib u bilaabo wadahadaladii labada Beelood, taasoo aan dhicin ilaa Jigjiga looga qaaday.

Waxaa Nasiib daro ahayd in Burco, Hargeysa iyo Xukuumaddii Somaliland ay ka soo horeeyaan gurmadkii Jigjiga, Baydhabo, Xamar iyo Kismaayo.

Dhacdadii Koonfurta Gobolka Sool ee Dhumay waxay shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn u cadeysay in Somalilandnimada ay uga wanaagsan yihiin qabiilnimada iyo Soomaalinimadu.

Shacabka SSC iyo Somaliland waxay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka filayeen inuu ka damqanayo oo talaabo ka qaadayo fadeexadii Somaliland ka soo gaadhay dayacaadii colaadii Koonfurta Sool, isagoo ugu horeysiinaya Wasiirka Arimaha Gudaha iyo xubnihii kale ee sarsare, balse looma fadhiyin in lagu sadqeeyo Badhasaabkii Gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdille Gargaar oo fashilkii dhacay lagu dedo erigiisa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.