Banaanbixii Midowga Musharaxiinta ku baaqeen oo baaqday

0
Musharaxiin somalia

Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo goordhoweyd shir jaraa’id oo deg-deg ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay si adag uga hadleen banaanbixii ay iclaamiyeen inuu dhacayo maalint berri ah.

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo bar-bar taagan yihiin xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay dib u dhigeen banaanbixii loo balansanaa in maalinta berri ah uu ka dhaco Taalada Daljirka Dahsoon.

Waxay sheegeen inay wajahayaan culeys dhanka amaanka ah, kadib markii dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ay ciidamo badan ku daabushay goobta banaanbaxa, islamarkaana la kala xiray inta badan qeybaha magaalada dalka.

“Waxaa isku qaban-qaabineyn mudaharaadkii, laakiin goobihii loogu talogalay mudahaaraadka kuligood waxa la geeyay ciidamo, taasi oo ka baxsan balantii iyo heshiiskii hore loo galay, waxayna muujineysa dooda musharaxiinta ee arrinta amniga,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxa uu intaas kusii daray “Madasha Musharaxiinta waxay go’aansadeen in dib loo dhigo mudaharaadkii lagana shaqeeyo xili ay soo goynayaan musharaxiinta, amniga ay ayagu sugayaan, markaa mudaharaadkii berri qorsheysnaa dib ayaa loo dhigay”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ay ciidamada u adeegsato caburinta shacabka, xili qeybo kamid ah dalka ay gacanta ku hayso Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa isaguna shaaciyey in Midowga Musharaxiinta ay bilaabeen ciidamo urursi, islamarkaana ay la kaashan doonaan cidkasta oo ka qeyb qaadaneysa sugida amniga, ayada oo laga madax-baneysiinayo dowladda oo uu sheegay inay balanta uga baxday, sida uu hadalka u dhigay.

“Kama tanasulin mana ka tanasuleyno banaanbixii maalinta ay ku haboon tahay waa soo sheegayna, amnigana anagaa suganeyna, ileen wax kale oo noo dhiman malaha haddii ay taas ka dhalatay waa in amnigeeda suganaa oo nagala shaqeyso cidii nagala shaqeyn karta,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here