BAROORDIIQDA XASAN GUURE (Abwaan Weedhsame)

xasan guure

Halabuurka weyn ee Xasan Daahir Ismaaciil (Abwaan Weedhsame) ayaa tix ugu baroordiiqay geerida Mujaahid Xasan Guure Jaamac. Mujaahidka oo maaanta ku geeriyooday Hargaysa laguna aasay wuxuu ka mid ahaa adhaxdii ay ka nuuxsanaysay jabhadii SNM. Wuxuu aftahan geesi ah oo ku dhiiran xaqiijinta Sinaanta iyo Cadaalada aduunka. Wuxuu ahaa wadani afkaaryahan ah oo jecel hirgelinta himilada helidda dawladnimo lagu badhaadho oo ay mar uun umada Somalida ( jigjiga, Hargaysa, Muqdisho, Wajeer iyo Djibouti) hesho oo ay gaadho. Guure markasta iftiin ka dhex muuqda markasta meesha uu joogo ee markaa aayaha talada dadka somalida lagu hayo ayuu ahaa. Ma daale aan ka quusan wanaajinta aayatiinka nololeed ee qofka Somaliga ah ayuu ahaa. Alle ha u naxariisto.
Wuxuu yidhi abwaanku:

Geeriyahay sidii eebadii oofta nagu jiiday
Eed ma lihide waxad oofisaa amar ilaahaye
Naftu way ilmaysaa markaad qaaddo oday weyne,
Caawana ilays baa ka demay aradkan aan naale
Miyaad aastay Xasan Guurihii aayo-taliskiina?

Ayaan qudha lamuu aamusnaan erey samaaneede,
Aar iyo xaq-sheeg buu ahaa ururshe waayeele
Imaamkiyo runtiyo buu ahaa waayo-aragiiye
Abtirsiintu may oodi jirin lagu asqoobaaye
Arxan iyo tudhaaluu lahaa abid an liicayne
Eexaysi boobkuu necbaa iinta nagu taalle
Danta guud intuu oog u shiday tiisa ku illawye
Manuu urursan sida aynigii xoolo ummadeede
Iimaan iyo yaqiin buu lahaa aad u qaro weyne.

Inkastuu abaal noo galoo loona wada ooyey
Mar haddaan ilmadu oolinayn ruux ajali qaadi,
Allahayoow addoon buu ahaa aanu ulanaaye
Ifkii kala dhammaadee Rabboow iilka ku ilaali
Adigaa Abuurtaye Rabboow eegmo naxariisle
Nebigii udgoonaa Rabboow jooji agihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here