Bayern Munich oo hanatay Bundesliga iyadoo Dortmund ay ka badisay Leipzig

Robert Lewandowski bayern

Kooxda Bayern Munich ayaa dabbaaldegtay kadib markii loo caleema saaray markii sagalaad oo Xiriir ah oo ay ku guulaysato horyaalka kubadda cagta ee Jarmalka kadib markii ciyaaryahaan Robert Lewandowski’s, uu seddex gool dhaliyay taas oo meesha ka saartay rajadi ay lahayd kooxda Borrusia Monchegladbach.

Saacado ka hor ayaa qaadista koobka la xaqiijiyay kaddib markii Borussia Dortmund ay ka Badisay RB Leipzig oo ku dhaweyd qaadista koobka

Goolasha Lewandows Thomas Muller and Kingsley Coman ayaa Siiyay Bayern inay 4-0 qaybta hore ee ciyaarta ku hogaamiso

Bayern ayaa 10 qof ku ciyaartay kaddib Tanguy Nianzou oo baddal ku yimid horeba laga siiyay kaarka cas.

Leipzig oo ka hor ciyaarta 7dhibcood ka dambeysay kooxda hoggaanka haysay ayaa looga badiyay 3-2

Weraryahaanka England ka soo jeeda ee Jadon Sancho ayaa goolkii labaad u dhaliyay DortMund kadib markii Marco Reus uu goolkii koowad u horseeday kooxdiisa.

Guusha Dortmund ayaa u horseedday inay hantaan kaalinta afaraad taas oo u horseeday inay u soo baxaan Horyaalka Yurub ee Champions League.

Bishii Abriil, Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday in tababaraha kooxda Leipzig Julian Nagelsmann in uu kooxdooda ku soo biri doono shanta sano ee soo socota marka xilli ciyaaredkan uu dhammaado kadib markii tababarahooda hadda jooga Hansi Flick uu ku dhawaaqay in uu doonayo inuu kooxda isaga tago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here