BBC oo dacwad ka dhan ah Iran u gudbisay Qaramada Midoobay

iran flag

BBC-da ayaa Qaramada Midoobay uga dacwootay dhibaataynta Iiraan ay ku hayso shaqaalaha laanteeda Persian-ka.

Waxey sheegtay in saraakiil katirsan hey’adda sirdoonka Iran, ay ugu hanjabeen iney afduubayaan shaqaalaheeda ku sugan London, dib ayna ugu celinayaan dalka Iran.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay BBC-da dhibaatooyinka dhifka ah ee soo wajahay ay u gudbiso Qaramada Midoobay.

Iran ayaa kal hore beenisay sheegashadaas, iyadoo ku eedeysay BBC laanteeda Persian-ka iney faafineyso warar been abuur ah, si ay u dhiirageliso afgambi ka dhan ah dowladda.

Wakiilka dhanka sharciga ee BBC-da, ayaa ku booriyey golaha xuquuqa aadanaha ee Qaramada Midoobay, in ay qaado tallaabo arrinkan lagu xallinayo.

Dad gaaraya 18 milyan oo Iran u dhashay, oo u dhiganta rubuc tirada guud ee dadka dalkaas, ayaa si joogta ah ugu xiran BBC Persia qeybaheeda kala duwan.

Hase yeeshee laanta afka Faarsiga ayaa laga mamnuucay Iran, iyadoo madaxda dalkaas ay kal hore xirxireen dad ay la xiriiriyeen BBC-da.

Sahan laga dhex sameeyey shaqaalaha BBC-da laanteeda Persian-ka, oo tiro ahaan gaaraya 102, ayaa 71 kamid ah waxey ku sheegeen in la handadey ama dhibaato kale loo geystay.

Saddex meelood oo meel ayaa sheegay in waalidiintooda mid ama labadaba ay waceen madaxda dowladda Iran, iyagoo su’aalo weeydiinaya, waxey intaa raaciyeen kalabar kamid ah iney dareemayaan culeys ku keeni kara iney shaqada isaga tagaan.

Khamiistii, BBC-da ayaa qabatey shir online ah, oo ay qeyb ka tahay hey’adda qaxootiga UN-ka, iyadoo lagu soo qaadey walaac la xiriira ololaha isa soo taraya ee ay ku dhibaateynayso dowladda Iran shaqaalaha BBC-da qeybteeda Persian-ka, iyo wariyeyaasha kale ee luuqadda Faarsiga.

Dadkii ka hadley dhacdadan waxaa kamid ahaa wariye Kasra Naji, kaasoo ka hadley khatarta iyo baacsiga internet-ka, ee isaga iyo saaxiibadiisa kale ee shaqada iyo qoyskoodaba ay in mudda ahba kusoo dhex jireen.

“Ciiddii Kirismaska ee 2020, lix kamid ah shaqaalaha BBC Persian ayaa xubno ka tirsan qoysaskooda looga yeeray si ay su’aalo u weydiiyaan sirdoonka Iran. Dhammaantood waxaa la sheegay in loo weeydiiyay inay u sii gudbiyaan hanjabaad dil ah eheladooda degan London,” ayuu yiri Naji.

Su’aal kasta oo la weydiinayey, saraakiishu waxay tusaale usoo qaadayeen Ruhollah Zam – oo ah suxufi mucaarad ah oo fadhigiisu ahaa Paris oo laga dhaadhiciyay inuu u safro Baqdaad sanadka 2019, halkaas oo laga afduubtey loona qaaday Iran. Zam ayaa la toogtay sanadkii hore kadib markii lagu eedeeyay inuu qalalaase ku abuuray qoraalkiisa.

“Waxaa laga yaabaa in waxa ugu naxdinta badan ay tahay saraakiishii sirdoonka ee inoo hanjabaya gaar ahaan marka ay ku raaxeysanayaan in nambaradooda ay na siiyaan si aan u so sheegno markaan helno maclumaad ku saabsan xubno ka tirsan qoyskeena,” ayuu yiri Mr Naji.

BBC-da ayaa sheegtay in Iran ay billowday inay bartilmaameedsato shaqaalaha laanteeda Persian-ka kadib doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday sanadkii 2009, markaas oo malaayiin reer Iraan ah ay isugu soo baxeen wadooyinka iyagoo sheegaya in codadkooda la xaday.

Eedeymaha musuqmaasuqa ayaa horseeday rabshado bilooyin socday, iyadoo mas’uuliyiinta Iran ay ku eedeeyeen dowladaha reer galbeedka iyo warbaahinta caalamiga ah – oo ay ku jirto BBC.

Tan iyo xilligaas, BBC-du waxay sheegtay in shaqaalaha loo geysto dhibaateyn iyo hanjabaado dil ah, oo sii kordheyay sanadihii la soo dhaafay.

Tusaale, weriye ayaa loo soo diray hanjabaado ka dhan ah noloshiisa iyada oo farriinta loo marayay aaladda Skype, waxaana loo sheegay inuu shaqada iska casilo – ama uu basaaso asxaabtiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here