Beesha caalamka oo qoraal ay niyad jab ku muujisay kasoo saartay heshiiska doorashada Soomaaliya

beesha caalamka2

Beesha caalamka oo qoraal kasoo saatay heshiiskii doorashada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho.

Si kastaba, beesha caalamka ayaa sheegtay inay gar-waaqsanyihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen madaxweyne Farmaajo iyo shanta madaxweyne goboleed ee xubnaha ka ah federaalka, kuna tilmaantay mid dhabada u xaaraya geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021-ka.

“Saaxiibada beesha caalamku waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay, isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay beesha caalamka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Saaxiibadu waxay fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo.”

Beesha Caalamka ayaa qoraalkan ku muujisay inay ka xumeed shaacinta heshiiskaas, waxayna tilmaameen in yoolka dowladnimada Soomaaliya uu ahaa in markaan la gaaro cod bixin toos ah. Iyagoo dhinacyada gaaray heshiiska ugu baaqay in doorashadu noqoto mid daah-furan oo u dhacda si xor iyo xalaal ah.

“Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka.

Iyadoo la eegayo mustaqbalka Soomaaliya “saaxiibada beesha caalamku waxay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaaro dhismaha hay’adaha kale ee demoqoraadiyadda Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan guddiga adeegga garsoorka iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyadoo ay barbar-socdaan dadaallada lagu horumarinayo dib-u-eegista Dastuurka Federaalka ee Kumeelgaarka ah iyo in la xaqiijiyo dhowridda ballanqaadyada caalamiga ah ee khuseeya xuquuqul insaanka.”

“Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan khariidad/tub ay la socdaan bartilmaameedyo qeexan, oo ay ku heshiiyaan madaxda siyaasadda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumar demoqoraadiyadeed oo la taaban karo, si horay loogu sii socdo.”

Beesha Caalamka ayaa madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqday inay sii wadaan kulamadooda, iyagoo yeelanaya wadahadal iyo isu-tanaasul, sibey yiraahdeen wax looga qabto arrimaha degdegga ah ee hortabinta qaran leh, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda loo dhanyahay.

War-saxaafadeedka waxaa wadajir u soo saaray ururrada iyo dowladaha kala ah, Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Sudan, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here