Beesha Caalamka oo war ka soo saartay habraac cusub ee doorashada

beesha caalamka2

ar-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa looga hadlay shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda golaha wadatashiga qaranka, kaas oo laga soo saaray habraac doorasho oo culeys badan wajahaya, kadib markii ay ka hor yimaadeen Midowga Musharaxiinta iyo ururrada bulshada rayidka.

Qoraalka beesha caalamka oo lagu soo dhawaayey shirkii madaxda Soomaalida ayaa lagu shaaciyey in beesha caalamka ay garowsantahay walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka Sare, iyadoo Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada loogu baaqay inay arrimahan wax ka qabtaan, si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka beesha caalamka oo dhameystiran. 

Muqdisho, 25 Agoosto 2021 – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* ayaa soo dhoweeyay shirka Madasha Wadatashiga Qaran (MWQ) ee 21 iyo 22 Agoosto, waxayna bogaadiyeen wadatashigooda joogtada ah si horey loogu wado hanaanka doorashada.

Waxaan aragnaa in la dhammeystiray doorashada Aqalka Sare ee Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo in hanaanka laga billaabay Jubaland iyo Galmudug. Waxaan sidoo kale garowsanahay walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare, waxaana GWQ ku boorinaynaa inay arrimahan wax ka qabtaan si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan, loo wada dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo oo loo qabto Golaha Shacabka.

Iyagoo la xusuusanaya in boqolkiiba 24 ee kuraasta Aqalka Sare ay ilaa iyo hadda haween ku guuleysteen, waxaan ku baaqaynaa in dadaallada la laballaabo si loo gaaro qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee kuraasta labada Aqa lee Baarlamaanka ay haweenku helaan.

Waxaan soo dhoweynaynaa dhismaha Guddiga Amniga Doorashada, waxaana ku baaqaynaa in dib loo billaabo kulamada guddiga si loo xaqiijiyo in qabanqaabada amniga laga diyaariyo dhammaan goobaha codbixinta ka hor doorashada Aqalka Hoose iyo in tixgeling la siiyo amniga ergada, musharaxiinta iyo xubnaha guddiga haweenka ah.

Saaxiibadu waxay GWQ iyo saamilleyda kale la wadaagayaan inay rumeysanyihiin in hufnaanta hanaanka doorashadu ay muhim u tahay xasilloonida Soomaaliya, waxaan sidaa darteedy GWQ ku dhiirigelinaynaa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka si loo xaqiijiyo in hanaanka doorashada lagu dhammeystiro si lagu kalsoonaan karo, daahfuran oo waqtigii loogu talagalay ku dhacda.

Saaxiibada beesha caalamku waxay ku hanweynyihiin inay sii wadaan wada shaqaynta si loo hirgeliyo hanaan doorasho oo daahfuran oo waqtigiisi ku dhaca.

War-saxaafadeedkaan waxaa wadajir u soo saaray wadamada iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Iswiidhan, Iswisarland, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here