Beesha Caalamka oo war kasoo saartay xaaladaha Siyaasadeed ee Soomaaliya

beesha caalamka2

Beesha Caalamka ayaa war kasoo saartay xaaladaha Siyaasadeed ee dalku galay waxaana warsaxaafadeedkaan soo wada saaray African Union Mission in Somalia (AMISOM), Canada, Denmark, European Union (EU), Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, United Kingdom, United States, and the United Nations waxa ay ka walaacsan yihiin tilaabadii 12 April uu muda kordhinta Golaha shacabku ugu Sameeyay Hay’adaha dowalada.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay ineysan taageeri doonin Mudo kordhin loo sameeyo Hay’adaha dowlada, Hanaan Doorasho isbarbar yaac ah ama doorasho aan loo dhameyn sido kale ayaa waxaa warsaxaafadeedka lagu yiri.

“Waxan madaxda Dowlada iyo kuwa dowlad goboleedyada ugu baaqeynaa hirgalinta heshiiskii 17 september madaxduna ay dib ubilaabaan wadahadaladi looga hadlayay doorashada si horey loogu socdo”.

Beesha caalamka ayaa ugu dambeyn sheegtay iney diyaar latahay martigelinta goobta lagu qabanayo wadahadalada loo dhan yahay oo sal looga dhigayo heshiiskii 17 september.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here