Biden muxuu ka yeelay go’aankii Soomaaliya ku saabsanaa ee uu Trump qaatay?

Joe Biden iyo trump

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa soo saartay warbixin ku saabsan sida laga yeelayo ciidamada Mareykanka ee dibadda ka howl gala.

Madaxweyne Joe Biden oo dib u eegis muddo hal sano ku dhow qaadatay ku hayay xaaladda ciidamada dalka bannaankiisa ku maqan ayaa go’aansaday in askartu ay sidooka u sii kala joogaan meelaha ay ku kala sugan yihiin.

Maalintii Isniinta ayay go’aankan shaaca ka qaadeen saraakiisha sar sare ee Pentagon-ka Mareykanka, sida uu ku warramay wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalkaas.

Maxaa laga yeelayaa Soomaaliya?

Waxaa laga war sugayay go’aanka uu Biden ka qaadan doono arrinta Soomaaliya iyo qaabka loo kordhinayo ciidamada Mareykanka ee gobolka geeska Afrika.

Xilligan oo xaaladda dalka Itoobiya ay faraha kasii baxeyso waxaa walaac badan laga muujinayay dhaqdhaqaaqyada kooxaha jihaad doonka ah.

Hase yeeshee, warbixinta uu soo saaray Biden ayaa u muuqata mid aan lagu soo hadal qaadin arrinta Soomaaliya, sida uu Wargeysku shaaciyay.

Sanadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald J. Trump uu amar ku bixiyay in dhammaan ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya laga soo saaro, tallaabadaas oo si deg deg ah loo hirgeliyay.

Wasaaradda gaashaan dhigga Mareykanka ee uu hoggaamiyo wasiirka difaaca, Lloyd James Austin III ayaa sii wadi doonta inay ka fiirsato qorshaha ku aaddan kordhinta tirada ciidamada Mareykanka ee loo soo dirayo Bariga Afrika, sida uu Times kasoo xigtay mid ka mid ah saraakiisha waaxda difaaca.

Sababta uu dib u dhac ugu imaaday go’aanka la xiriira Soomaaliya ayuu ku sheegay inay tahay xaaladda kasoo cusboonaatay Itoobiya oo u baahan in qorshe dhinacyo kala duwan taabanaya loo sameeyo.

Dhawaan ayuu Mareykanka muwaadiniintiisa ku amray inay ka baxaan Itoobiya, waxaana laga deyrinayay xaaladda waddankaas oo dagaal ku jira muddo hal sano ah.

Kooxda islaamiga ah ee al-Shabaab oo muddooyinkii dmabe xoojisay weerarradeeda ayaa culeys ka sii dhigtay in go’aan soo degdega laga sameeyo arrinta Soomaaliya, sida uu sarkaalkaasi ku warramay.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliya howlgallo isugu jira duqeymo lagu beegsado xubnaha al-Shabaab iyo tababarista ciidamada Soomaaliya.

Si guud waxaa warbixinta dib u eegista ah loogu sheegay in Washington ay sii wadi doonto dhaqdhaqaaqyadeeda Afrika, iyadoo dhinaca galbeedka qaaraddana uu Mareykanku ballan qaaday inuu Faransiiska gacan ku siin doono la dagaallanka kooxda loogu yeero argagixisada.

Biden ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay horaantii sanadkan 2021-ka waxa uu meesha ka saaray go’aanno badan oo uu hirgeliyay Trump inta uusan banneynin xafiiska Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

Waxyaabaha kale ee isha gaarka ah lagu hayay waxaa ka mid ah sida uu Mareykanku uga fal celin doono dhaqdhaqaaqyada uu Ruushka muddooyinkii dmabe ka wado xadka uu la wadaago waddanka Ukraine.

Balse Wasiirka Gaashaadhigga, Mr. Austin, ayaa sheegay in 500 oo askari lagu kordhin doono ciidanka Mareykanka ee ku sugan dalka Jarmalka.

Dad badan ayaa tallaabadaas u fasirtay farriin ku wajahan Ruushka oo markii labaad sanadkan gudihiisa ciidan militari ah geeyay xuduudda Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here