Biden oo si rasmi u noqday madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka

joe biden dhaarin

Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, ayada oo Kamala Harris ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku-xigeen ka noqota dalka Mareykanka.

Biden ayaa waxaa daqiiqado yar un ka hor 12-kii duhurnimo lagu dhaariyey Aqalka Capitol Hill ee Congress-ka Mareykanka, ayada oo uu dhaarta ka qaatay garsooraha sare ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay, iyo qofkii ugu horreeyey ee madow ah, iyo qofkii ugu horreeyey ee asal ahaan kasoo jeeda Koonfurta Asia ee noqday madaxweeyne ku-xigeen, ayaa waxaa dhaariyey garsoore Sonia Sotomayor oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Khudbad uu jeediyey kadib dhaarintiisa, ayaa Joe Biden waxa uu ku yiri “Dimoqraadiyadda ayaa guuleysatay.” Waxa uu maalinkan ugu yeeray “maalin taariikh iyo rajo.”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in dalka uu “mar kale bartay in dimoraadiyadda ay tahay wax qaali ah”.

“Riyada cadaaladda hadda iyo kadib dib looma sii dhigi doono,” ayuu yiri madaxweyne Biden.

Biden ayaa u mahad-celiyey kuwii xilka ugu horreeyey ee labada xisbi ee ka qeyb-galay caleemo-saarka. Waxaa ka mid ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence, halka madaxweynihii hore Donald Trump uusan ka qeyb-gelin munaasabadda.

Madaxweyne Biden ayaa ugu baaqay dadka Mareykanka inay ka guuleystaan kala qeybsanaantooda, isaga oo shaaca ka qaaday “midnimo la’aan, nabad ma jirto.”

Waxa uu ballan-qaaday inuu daacad u noqon doono dalka, isaga oo yiri “hoggaamiyayaasha waxaa waajib ku ah inay difaacaan runta oo ay ka guuleystaan beenta.”

“Waa inaan soo geba-gebeynaa dagaalkan xun ee na isaga keen horkeenaya gaduud iyo buluug,” isaga oo ula jeeda Jamhuuri iyo Dimoqraadi.

AP + VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here