Bin Salmaan oo Turkiga u booqanaya khilaafka kala dhaxeeya Joe Biden awgiis

mohamed bin salmaan

Dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, ahna hoggaamiyaha daaha gadaashiisa ka maamula dalkaas ayaa maanta magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga kulan kula yeelan doona Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Waxay noqon doontaa booqashadii ugu horraysay ee uu Amiir Maxamed ku tago Turkiga tan iyo markii uu dhacay dilkii wariyihii Sacuudiga, Jamaal Khaashuqji, kaasoo mugdi galiyay xiriirka labada waddan.

Erdogan ayaa Maxamed bin Salmaan kusoo dhaweyn doona xarunta madaxtooyada.

Kaddib marka ay yeeshaan shirka ku saabsan xiriirka waddamadooda iyo is aragga wafdiyada, labada hoggaamiye ayaa yeelan doona casho sharaf.

Safarka uu Amiir Maxamed ku tagayo Ankara waa mid muhiim u ah Turkiga iyo Sacuudiga, kaddib dhowr sano oo ay xiisad diblomaasiyadeed u dhaxaysay.

Turkiga ayaa bilihii lasoo dhaafay la daalaa dhacayay dhibaatooyin dhaqaale oo aad u waawayn, sida hoos u dhaca lacagta waddankaas ee Lira-da iyo sicir bararka heerkii ugu sarreeyay gaaray.

Balse maalgelin ay ka helaan waddankan khaliijka ka tirsan, ee qaniga ku ah khayraadka dhulka hoostiisa laga soo saaro, ayaa wax wayn ka qaban kara caqabadaha haysta Turkiga.

As a result of rising oil prices with the Ukraine war, Saudi Arabia’s profit this year is expected to exceed 400 billion dollars. For this reason, the Kingdom is looking for opportunities to increase its foreign investments.

Madaxweyne Erdogan ayaa Sacuudiga booqasho ku tagay dabayaaqadii bishii April, ka hor booqashadaasna, saraakiisha Turkiga ayaa ka shaqeeyay in la saxiixo heshiisyo kala duwan oo ay la galeen shirkado Sacuudiga laga leeyahay.

Arrimaha laga heshiiyay waxaa ka mid ahaa wadashaqeynta dhinaca tamarta.

Hase yeeshee wali Turkiga dhibaatooyinkiisa xal looma helin.

Hadda Sacuudiga ayaa u muuqda mid ay arrimuhu dhankiisa u soo janjeeraan, loona baahan yahay.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhawaan shaaciyay in uu booqan doonto Sacuudiga bisha July.

Ajandaha ugu muhiimsan ee uu Biden u tagayo Riyaad waa in uu Sacuudiga iyo waddamada Khaliijka ee saliidda hodanka ku ah ka dalbado inay kordhiyaan xaddiga tamarta ay usoo dhoofiyaan si looga maarmo adeeggii tamarta ee loogu tiirsnaaan jiray Ruushka.

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa doonaya in la xoojiyo cunaqabateynta la saaray Ruushka oo dagaal ka wada Ukraine.

Arrimahan waxay gabi ahaanba meesha ka saareen xasaraddii ka dhalatay dilkii wariye Jamaal Khaashuqji oo waddamo badan ay ugu caroodeen sacuudiga, sida Mareykanka iyo Turkiga.

Erdgan ayaa doonaya in waddankiisa uu saldhig u noqdo ganacsiga cusub ee saliidda, isagoo loo soo marinayo dhuumaha dhulka hoostiisa mara.

Eedeymaha la xiriiray dilkaas ayaa xitaa qaarkood loogu jeedinayay Maxamed bin Salmaan inuu wax ka ogaa falkaas.

‘Maxamed bin Salmaan wuxuu u dan leeyahay Joe Biden’

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in marka uu Sacuudiga tago uusan la kulmi doonin Maxamed bin Salmaan, taas oo lama filaan noqotay.

Dhanka kale, Amiir Maxamed ayaa sare u qaaday xiriirka uu la yeelanayo waddamada kale ee gobolka ka hor inta uusan Biden booqashada ku imaanin Sacuudiga.

Ka hor inta uusan Turkiga aadin waxa uu Isniintii iyo Talaadadii booqday dalalka Masar iyo Urdun, halkaasoo uu hoggaamiyeyaashooda kula soo kulmay.

Dalalkan ayuu u tagay si ay ugu caddeeyaan mowqifkooda ka hor inta aysan billaabanin booqashada Biden.

Waxa uu sidoo kale dib u billaabay wadaxaajoodyada ku saabsan dhinaca nuclear-ka ee uu la wadaagayay waddanka ay sida wayn gobolka isaga soo hor jeedaan ee Iiraan.

Tallaabooyinkan ayaa loo fasirtay kuwo uu DhaxalSugaha Boqortooyada Sacuudiga ugu dan leeyahay Madaxweyne Biden, si uu ugu muujiyo in uu yahay qofka hoggaanka u haya arrimaha Bariga Dhexe.

Dr James Dorsey oo ka tirsan Jaamacadda Qaranka ee Singapore ayaa yiri: “Arrintani ma aha mid ku saabsan heshiisyo ganacsi oo la xiriira tamarta, balse waxay ila tahay in Maxamed bin Salmaan uu doonayo in uu halkan ka helo dhowr wax.

“Mid ka mid ah waa in uu xoojiyo awooddiisa uu ku wajahayo Biden. Waxa uu rabaa in uu tuso inuusan waxyaabaha ka hor tagi karin oo keliya balse uu xitaa dib u dhisi karo.”

Waxa uu intaas ku daray in Bin Salmaan uu caqabadda ugu wayn kala kulmi karay Turkiga balse hadda uu taas ka gudbay.

“Haliska dhabta ah ee bin Salmaan ka haysatay dilkii wariye Jamal waxay ahayd tan ku saabsan in Turkiga uu hayo caddeymo. Inta badan caddeymaha ku jira gacanta Mareykanka ma aha kuwo madax bannaan, balse waa caddeymo ay bixiyeen Turkiga,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here