BOOLIISKA OO SHAACIYEY IN LA SOO AFMEERAY WEERARKII VILLA RAYS

Sadiiq Aadan Cali Duudishe

Afhayeenka ciidamada Booliska oo hadda qabtay shir jaraa’id ayaa shaaciyay in lasoo afjaray weerarkii Hoteelka Villa Rays, islamarkaana ay gebi ahaanba ciidamada dileen raggii soo qaaday weerarka.

Waxa uu sheegay in dagaal-yahaanada soo weeraray Hotelka ay ahaayeen Lix, waxayna ciidamada dowladda ay toogteen Shan kamid ah raggaasi, halka midka kalena uu isqarxiyay.

Wuxuu sheegay in weerarka lagu dilay illaa Siddeed qof oo Shacab ahaa oo ku sugna Hoteelka, waxay ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay soo bad-baadiyaan 60 qof oo Shacab ah,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray dadka shacabka ah, halka ay ciidamada ammaanka ka dhinteen 1 Askari, ayada oo ay ka dhaawacmeen 5 kale.

“Waxaa ka tacsiyeynayna qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay Hoteelka oo isugu jira dadka shacabka iyo Askarta. Ilaahay waxaa ka baryeyna inuu u booga dhayo inta dhaawaca.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here