Booliiska Somaliland oo xabsiga u taxaabay Xildhibaan Dhakool

xildhibaan dhakool

Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidamada booliska ee Somaliland ay caawa xabsiga Hargeisa u taxaabeen xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaanka ayaa shalay warbaahinta ka sheegay in maalinta 18-May ay tahay maalin u gaar ah beesha SNM.

Dhakool ayaa sheegay in 26-ka June ay ka Mudan tahay in la Xuso 18-May, Wuxuuna sheegay in 18-May ay gaar u tahay Beesha SNM, Wuxuuna sheegay inay ku Cabirayso dareen u gaar ah, Wuxuuna xusay in Beelaha kale ay u yaqaaniin Maalin madow, Sida uu hadalka u dhigay.

Ma jirto wax faahfaahina ama cadeyn ah oo laamaha amnigu sheegeen.

Xildhibaan Dhakool ayaa ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee Isxambaarka loo yaqaano ee Gobolka Sool kasoo jeeda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.