Booliska Hindiya oo toogasho ku dilay rag kufsi iyo dil u gaystay haweeney da’yar

ciidamada hindiya

Booliska Hindiya ayaa toogasho ku dilay afar nin oo lagu eedeeyay kufsiga iyo dilka haweeney da’yar, falkaas oo dadka Hindiya oo dhan ay ka caroodeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay doonayeen in raggaasi ay ka qabtaan goobta uu faldambiyeedka ka dhacay oo ay gayn rabeen goob dadka lagu dhaqan celiyo, hasayeeshee ay dileen kaddib markii ay raggaasi isku dayeen inay hubka ka xoogaan booliska kaddibna ay baxsadaan.

Aabaha dhalay gabadha la dilay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay cadaaladda degdega ah ee uu helay, hasayeeshee waxaa jira dad kale oo su’aal galiyay hadalka booliska kuwaas oo sheegay in dilka laga weecan karay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here