Booliska Netherland oo xiray nin aad dunida looga baadigoobayey

Schiphol airport Amsterdam

Booliska dalka Netherlands ayaa garoonka dalkaas ku xiray nin lagu eedeeyay in uu yahay mid kamid ah ragga ugu waaweyn dunida, gaar qaaradda Aasiya ee ka ganacsada daroogada ama maandooriyaha, kaas oo dowladda Australia horay ugu u jartay waran lagu soo xirayo.

Tse Chi Lop oo asalkiisu yahay Shiine balse heysta dhalashada dalka Canada ayaa la sheegay in uu madax ka yahay shirkad ka shaqeysa daraagiska, taas oo qiimaha ay kaga hawlgasho suuqyada Aasiya lagu sheegay 70 bilyan oo doollar.

Ninkan ayaa lagu sheegaa in uu yahay mid kamid ah ragga baxsadka ah ee ay ku raad joogeen booliska caalamiga ee Interpol, waxaana lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Schiphol ee magaalada Amsterdam.

Dowladda Australia ayaa dalban doontaa in loo soo gacangeliyo ninkan, waxaana booliska dalkaas ee AFP ay rumeysan yihiin in shirkadda uu madaxda ka yahay ee lagu magacaabo Sam Gor Syndicate ay mas’uul ka tahay boqolkiiba 70 daroogada lasoo geliyo dalkaas.

56 jirkan ayaa lagu tilmaama ain uu yahay El Chap qaaradda Aasiya, kaas oo ahaa nin u dhashay dalka Mexico balse ka ganacsan jiray maandooriyaha.

Booliska dalka Australia ayaa la sheegay in mudda bila ahba ay ku raad joogeen Mr Tse kahor inta aysan xirin booliska Netherlands, xilligaas oo uu kusii jeeday dalka Canada.

War qoraal ah oo ay soo saareen booliska dalkaas ayaanan lagu sheegin magaciisa balse waxay xuseen in warqad lagu soo xirayo loo jaray sanadkii 2019-ka, tallaabada ay qaadeen booliska Netherland ay tahay mid ay kula shaqeynayaan booliska caalamiga ah ee Interpol.

“Markii horeba wuxuu ahaa dadka aadka loo raadinayay, waxaana la xiray kadib markii aan helnay xog sirdoon, ayuu yiri afhayeenka booliska Netherlands.

Warbixin ay wakaaladda wararka ee reuters ka qortay ninka hadda la qabtay sanadkii 2019-ka ayay ku sheegtay in uu yahay ninka loogu dondoonista badan yahay caalamka.

Reuters oo soo xiganeysa ilo dhanka Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dakhliga ninkan soo galay sanadkii 2018-ka uu gaaray ilaa 17 bilyan oo doollar.

Tallaabada lagu xiray ninkan ayaa waxaa la sheegay inay iska kaashadeen booliska 20 dowladood oo ay ugu horreyso Australia.

Tse ChiLop ayaa la sheegay in uu yahay nin aan waxbadan laga ogeyn sida El Chapo oo caan ka ahaa dunida. Sanadihii dambe waxaa lagu soo warramayaa in uu ku noolaa Macau, Hong Kong iyo Taiwan. Sagaashameeyadii waxaa lagu xiray dalka Mareykanka kadib markii lagu helay dembi ah in uu ka ganacsado daroogada, waxaana uu xabsiga ku jiray sagaal sano.

Warbaahinta dalka Australia ayaa xarigga ninkan ku tilmaamtay mid aad muhiim ugu ah booliska dalkaas oo muddo dhan 20 sano ku raad joogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here