Booliska oo sheegay inay rag hubeysan ka dhex-qabteen dibad-baxyadii Muqdisho

ciidamada onkod 1

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu s inay gacanta ku dhigeen rag hubeysnaa islamarkaana qeyb ka ahaa dadkii shalay magaalada Muqdisho ka dhigayay dibadbaxyada.

Taliska booliska ayaa waxa ay intaas ku dareen in ragga ay qabteen oo shan ka koobnaa ay laba ka mid ah hubeysnaayeen, islamarkaana ay soo qabashada raggaan kala kaashadeen ciidanka nabad sugidda caasimadda.

“Ciidamada booliska oo kaashanaya  sirdoonka caasimadda ayaa maanta gacanta ku dhigay shan nin oo laba ka mid ah ay hubeysnaayeen kuwaas oo ku dhex dhuumanayay shacabkii ku mudaharaadayay dhinaca daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho damacooduna ahaa maleegidda dhagar” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Booliska ma aysan soo bandhigin dadkan, mana yaboohin wax caddeymo ah oo muujinaya in rag hubeysan ay qeyb ka ahaayeen dibad-baxyadii shalay.

Dadka qaar ayaa tallaabadan ku macneeyey mid lagu beegsanayo dadkii dibad-baxyada hoggaaminayey, islamarkaana lagu cabsi gelinayo in shacabka ay mar kale sameeyaan dibad-baxyo.

Shalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo waa weyn oo ay dhigayeen dad careysan ka dib markii habeen hore degmada Boondheere lagu dilay labo qof oo midi ahayd haweeneey dilkaas oo uu geystay askari ka tirsan booliska Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso qoraalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here