Boqolaal ciidamo Mareykan ah oo ku wajahan Kabul iyo wararkii ugu dambeeyey

Marine usa

Toddobaadyo un kahor inta aanay dowladda Mareykanka soo geba-gebeyn kasoo saarista militarigeeda ee dalka Afghanistan, ayaa taliyayaasha waxay boqolaal askari oo cusub u direen magaalada Kabul.

Waxay shegeeen in hadafka uu yahay in diblomaasiyiinta Mareykanka iyo xulufadooda reer Afghanistan laga soo daad-gureeyo halkaas, kadib markii ay si rasmi ah ula wareegtay kooxda Taliban.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa goor dambe oo Axaddii ah VOA u xaqiijiyey in Mareykanka uu 1,000 askari oo kale oo ka tirsan guutada 82-aad ee qeybta Airborne Brigade Combat u diray garoonka diyaardaaha Hamid Karzai ee Kabul, halkaasi oo saraakiisha iyo muwaadiniinta Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeya ay gabbaad ka dhigteen.

Tegitaanka ciidankan cusub ayaa tirada guud ee ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ka dhigeysa 6,000, taasi oo saddex jeer ka badan tirada ciidankii Mareykanka halkaas uga sugnaa markii ay billaabeen ka bixitaankooda, bishii May.

Markii hore, sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa VOA u sheegay inay gacanta ku hayaan maamulka safaaradda iyo garoonka diyaaradaha. Hase yeeshee saacado gudahood ayaa waxaa rasaas ay kusoo dhaceysay garoonka. 

Pentagon-ka ayaa goor dambe oo Axaddii ah sheegay inay la wareegeen maamulka hawada garoonka, ayaga oo gacan ka helaya ciidamada Afghanistan.

“Duulimaadyada ganacsi waa ay socdaan, inkasta oo mararka qaar uu hakad ku imanayo,” waxaa sidaas yiri afhayeneka Pentagon-ka John Kirby.

“Boqolaal muwaadiniin ah oo ay ku jiraan shaqaale Mareykan ah iyo rayid kale ayaa illaa hadda lasoo qaaday,” ayuu yiri Kirby. “Waxaan sii dhisi doonnaa awood aan ku dedejineyno soo qaadista muwaadiniinta Afghanistan ee halista ku jira.”

Kirby ayaa ka digay in “halis kasta oo lagu soo rogo howlgalka Mareykanka loo qaadan doono si dhab ah, loogana jawaabi doono awood xooggan.”

VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here