BOQOR BUURMADOW TEGISTII MUQDISHO MUXUU KA SOO BARTAY

boqor buurmadow

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka hadlay Banaanbaxyo rabshado isu bedelay oo khamiistii 11.08.2022 ka dhacay degaamo Somaliland ayaa ku hadlay halku-dhigyo u eg kuwii mudadii uu Xamar joogay ku hadli jireen xubnihii Madaxweyne Farmaajo ka soo horjeeday.

In Ciidamada la dhexgalo oo qabiil loo qaybiyo wuxuu ka bartay Madaxweyne Xasan Sheekh xusuuso (IGAARKAYGIIYOOW YAAN DHIIQO LUGAHA LAGUU GELIN EE AMARKA HA QAADANINA).

Maamul sharcidarro ayaan dhisaynaa, wuxuu ka bartay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, xusuuso (WALAAHI SUMA WALAAHI DAWLAD KALE AYAAN).

Hadaladiisa kale waxay u badan yihiin wixii ay ku hadaaqi jireen, kuwii xaafadaha Xamar godadka iyo dhagxaanta dhiganayey ee amaanka iyo dhibta shacabka aan danta ka lahayn.

Guud ahaan waxaa muuqata in Boqor Buurmadow uu Xamar ka soo faaiiday sida gurigaaga loo burburiyo ama loo gubo, ee Reer Somaliland cidii xiisaynaysa inay gurigeeda gubto BOQORKA HAKA TALO QAATEEN.

Dhegayso BuurMadow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here