Britain oo sheegtay in aqoonsiga Somaliland ku xiran wadahadal ay la galaan dowladda F Soomaaliya

ukflag

Xukuumadda ra’iisul wasaare Boris Johnson ee dalka UK ayaa mowqif niyad-jab leh usoo dirtay Somaliland, xilli baarlamanka dalkaas shalay la geeyey dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Britain ee Arrimaha Afrika Vicky Ford ayaa ku dhowaaqday in aqoonsi ay hesho Somaliland uu yahay mid ku xiran dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay tahay inay Somaliland ka wada-hadlaan.

“Doodda ka socota Aqalka Wakiilada waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka joogtada ah ee UK ee ku wajahan maqaamka Somaliland. Waa arrin u taalla Somaliland iyo dowladda federaalka inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda,” ayey Vicky Ford ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

“Waxaan sii wadi doonaa in iskaashi kala sameyno dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland arrimaha dimqoraadiyadda, ammaanka iyo barwaaqada.

Hadalka Vicky Ford ayaa soo xiray dooddii qabsatay baraha bulshada iyo rajadii Somaliland ee ay aheyd in doodda la geeyey baarlamanka UK ay hoggaamin karto aqoonsi ay hesho Hargeysa.

Warka kasoo baxay Vicky Ford ayaa yimid saacado kadib markii ay wada-hadallo la yeelatay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay kadib kulankaas ku sheegtay “in labada wasiir ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee Labada Dal.”

“Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dooddan ayaa waxaa baarlamanka geeyey xildhibaan Gavin Williamson, oo horey u ahaa wasiirka difaaca UK, intii u dhaxeysay 2017 illaa 2019. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here