Bursaliid oo la shaaciyey waxyaallaha loo haysto

bursaliid

Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa saaka kasoo muuqday Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Seddex ruux iyo isaga ayaa saaka waxay kasoo muuqdeen maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii ciidamada la dagaalanka argagixisada ay kasoo qabteen guriga ay ka degen yihiin Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in Dr Bursaliid iyo seddexda kale ee lala xiray looga shakiyay arimo la xiriira argagixiso, balse waxaa la sheegayaa in lagu helay kiisas kale oo la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo loo malaynayo inuu yahay musharax.

Ibrahim Qaasim Faarax (Bursaliid), Maxamud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed iyo Xuseen Xassan Muxamud, ayaa maanta maxkamad lasoo taagay, kadib markii laga qabtay deegaanka Muguga ee xaafadda Kiambu.

Wararka ayaa sheegaya in masuuliyiintaan lagu amray inay sii xernaadaan muddo afar maalin oo kale si baaritaanada ku socda loosoo dhameeyo, sida ay amartay maxkamadda maanta lasoo taagay.

Dembi baarayaasha Kenya ayaa sheegay in afartan qof ay ku lug yeesheen howlo qarsoon oo ku saabsan doorashada Somaaliya, si ay uga faa’iideysteen dhinacyo kale oo weli la raadinayo. Ma jiro war kale oo kasoo baxay dhanka Qareenada u doodaya Dr Bursaliid iyo xubnaha la xiran.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.