Buug lagu soo bandhigay qorshaha ay ciidanka Kenya uga baxayaan Soomaaliya

ciidamada kenya

Waxaa lasoo bandhigay buug cusub oo loogu magac daray Dagaal Nabadeed: Militariga Kenya ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, 2011-2020, waxaana qoray sida lasoo wariyay taliyihii hore ciidamada difaaca Kenya Samson Mwathethe.

Buugaan waxaa lagu qeexay qorshaha ay ciidamada Kenya ee ka mid ah hawlgalka midowga Africa ee AMISOM uga baxayaan gudaha Soomaaliya, wargeyska Daily Nation ayaana qiray in dhamaadka 2021 ay ka bixi doonaan sida goor hore lagu cadeeyay qorshaha kala guurka.

Kadib sideed sano oo ay ciidamada Kenya hawlgallo aan guulo badan laga gaarin ka wadeen gudaha Soomaaliya waxaa hadda bilaabanaya qorshaha ay ku bixi lahaayeen.

Sida uu baahiyay wargeyska shuruudaha ka bixitaanka AMISOM waxey abuuri doontaa dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada Qaranka Soomaaliya, kuwaas oo awood loo siin doono iney sameeyaan hawlgallo ay nabad waarta uga dhaliyaan guud ahaan dalka, sidoo kale wargeyska wuxuu qiray iney xigi doonto nabad iyo daganaasho ka dhalata deegaanada Jubbaland.

Talyihii hore ciidamada Kenya Samson Mwathethe wuxuu aaminsan yahay in ka bixitaankooda gudaha Soomaaliya ay xaqiijin doonto amaan buuxa oo laga dhaliyo deegaanada Jubbaland, sidoo kale wadooyinka loo maro xadka labada wadan sida (Liboi, Gherille, Mandheera, Ceel-waaq iyo kaynta Boni).

Meesha kama uusan saarin fursadda loo heli karo dakadaha ku teedsan badweynta Hindiya ee ay ka midka yahiin Ras Kamboni, Kudhaa, Kismaayo iyo Baraawe.

Inkastoo wakhtigaas ka soke la rajeynayo hadana talyihii hore wuxuu aaminsan yahay in ka bixitaanka ciidanka Kenya ee gudaha Soomaaliya ay keeni karto heshiis dhexmara Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

In la furo xafiisyo socdaal oo laga furayo magaalooyinka xuduudda labada dowladood ayuu ka dhex arkaa taliyaha iney abuurmi karaan.

Ugu dambeyntii waxaa la ogyahay in ciidamada Kenya ee ka mid ah AMISOM kuna sugan deegaanada Jubbaland aysan wax tallaabo weyn ah kusoo kordhin deeganadaas, sidoo kalana guul kama gaarin dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here