C/xakiin Maalin: Xisbiga Himilo Qaran isku aragti ayaa ka noqon weynay arrimo Masiiri ah

xil cxakiin macalin axmed maalin

Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed Maalin ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo aqbalaada uu Xisbiga Himilo Qaran ku ogolaaday inuu isaga tago Xubinimadii Xisbiga, kaddib markii ay isku aragti ka noqon waayeen arrimo masiiri ah oo ay labada dhinac xalin waayeen.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu kaga hadlay go’aankii Xisbiga looga joojiyay Xubinnimada, isla markaana isaga iyo xubnaha Xisbiga qaarkood ay ku kala aragti duwanaayeen arrimo kala duwan.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay isku aragti ka noqdeen arrimaha ku saabsan dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Xildhibaanka.

Waxaan soo dhaweynayaa aqbalaadda uu Xisbiga Himilo Qaran ee aan ka tirsanaa ku oggolaaday inaan isaga tago xubinnimada xisbiga, maadaama aan isku ku aragti ka noqon waynay arrima masiiri ah oo aan xallin weynay.

Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaan isku aragti ka noqonay arrimaha ku saabsan dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka shaqeynteedu ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ku matalo dadka iyo deegaanka Galmudug taas ayaana keentay in xubnaha qaar ay u cuntamiwaysay

Majiro ciidan itoobiyaan ah oo aan kan AMISOM ahayn oo dhuusamareeb jooga, laakiin waxaan rabaa in aan caddeeyo Marnaba in aanan raalli ka noqonaynin, in Ciidan Itoobiyaan ah iyo mid kale toona ay farageliyaan nidaamka doorashada ee Galmudug, sidoo kalana lama aqbali karo in buunbuunis iyo been abuur lagu dhaawaco hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho ee galmudug

Qofka awoodi waayay in uu ka tarjumo baahida deegaanada kala duwan ee dalka ma filaayo in uu awoodi karo hugaaminta guud ee dalka iyo dadka soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here