Caabuuqa mucormycosis: Kumanaan kiisas cudurka cusub ah oo laga helay dalka Hindiya

mucormycosis

Hindiya ayaa diiwaan gelisay in ka badan 8,800 kiisas oo ku saabsan ‘cudurka caambarta madow’ oo si weyn uga dillaacay halkaas.

Cudurkan waxaa sababa cabuuqa loo garanayo mucormycosis oo mid naadir ah oo horseedi kara dhimasho. Dadka qaar ee uu cudurkan ku dhacay waxaa lagu badbaadiyay in laga saaro indhaha.

Bilihii la soo dhaafay, Hindiya waxaa laga soo tebiyay kumaanan kiisas ah oo ku saabsan cudurkan oo saameeyay dadka ka bogsaday xanuunka Covid-19.

Dhakhaatiirta Hindiya waxay BBC u sheegeen in kiisaska cudurkan ay maalinkii kor u kici karaan 12 ilaa 18, gaar ahaan dadka ka caafimaada Karoona.

Kala bar kiisaska cudurka cambaarta madow waxaa laga soo tebiyay gobollada galbeedka dhaca ee Gujarat iyo Maharashtra halka in ka badan 15 gobol laga diiwaangeliyay inta u dhexeysa 8 ilaa 900 kiis.

Ka dib markii uu cudurkan ka dillaacay Hindiya, ilaa 29 gobol ayaa xaalad degdeg ah looga dhawaaqay.

Dhakhaatiirta waxay sidoo kale sheegeen in xarumaha lagu daweynayo buukaanada uu ku dhacay cudurka ay buux dhaafeen.

In ka badan boqolkiiba 80 dadka uu ku dhacay cudurka ayaa u baahan qalliin, sida uu BBC-da u sheegay Dr VP Pandey oo ah madaxa cisbitaallada dowladda.

Dr Pandey wuxuu sheegay in ay sare u kaceen dadka uu soo ridanayo cudurka ‘cambaarta madow’ isla markaana illaa 400 qof ay u jiifaan cudurka kuwaas oo ku sugan cisbitaal ku yaalla magaalada Indore oo dhacda bartamaha Hindiya.

“Cudurka cambaarta madow ayaa Hindiya ku hayaa dhibaato ka badan tan uu ku hayo cudurka Covid-19, haddii bukaanada aanan si fiican loo daweynin, heerka dhimashada waxay gaari kartaa boqolkiiba 94, daweynta cudurkana waa qaali, waxaana gabaabsi ah dawada,” ayuu yiri Dr Pandey.

Dhakhaatiirta waxay sheegeen in dawada Amphotericin-B ama “ampho-B” la siiyo bukaanada uu ku dhacay caabuqa ka dhasha cudurkan.

Dhakhaatiirta waxay sheegayaan in cudurkan uu si ba’an u saameeyay dadka la daalaa dhacayo cudurka macaanka.

Tusaale ahaan, daraasad laga soo qaaday 45 qof oo bukaan ah oo jiifa cisbitaallada Mumbai, ayaa muujineysaa in dhammaan bukaanadaas ay qaban xannuunka macaanka.

“Bukaannada uu ku dhacay caabuqa mucormycosis, waxay markii horeba dhibaato ku qabeen heerka ay gaarsiisan tahay sokorta dabiiciga ah ee jirkooda,” sida uu BBC u sheegay Dr Akshay Nayar, oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinka indhaha.

Waa maxay mucormycosis?

Mucormycosis waa caabuq aad dhif u ah. Waxaa sababa in qofku uu la fal galo fangas inta badan laga helo ciidda, dhirta, digada, iyo khudradda quruntay. “Waa wax meel walba yaalla waxaa laga helaa ciidda iyo hawada iyo xitaa sanka iyo xaakada dadka caafimaadka qaba,” ayuu yiri Dr Akshay Nair, oo ah dhakhtar qalliinka indhaha ku takhasusay oo ku sugan Mumbai.

Wuxuu saameeyaa sanqada, maskaxda iyo sambabada wuxuuna gaar ahana halis ku yahay dadka qaba macaanka iyo bukaannada kansarka amaba dadka la nool HIV/Aids.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here