Caa’isha Silvia Romano oo guursatay nin diinta islaamka u qaatay iyada darteed

Silvia Constanca Romano6

Caa’isha Silvia Romano ayaa la sheegay in ay guursatay ayna ka guurtay gurigii ay ka daganayd magaalada Milan, ka dib markii baraha bulshada loo mariyay aflagaado iyo hadallo badan oo ka dhan ah gabadhaas qaadatay diinta Islaamka, sida uu qoray wargeyska La Stampa ee Taliyaaniga.

Gabadhan ayaa ninka ay guursatay oo lagu magacaabo Paolo P. waxa uu horaan haystay diinta Masiixiga balse dhowaan ayuu ka qaatay diinta Islaamka, waxayna isku guursadeen si waafaqsan diinta Islaamka. Inkastoo arrinta guurka ay hadda soo baxday, haddana waxay is arooseen bishii October ee sannadkii hore.

Lamaanahan ayaa la sheegay inay lahaayeen xiriir qaatay waqti kooban, ka hor inta aysan isguursanin, balse waxay is garanayeen tan iyo yaraantoodii. Wuxuuna diinta Islaamka qaatay ka hor inta aysan is guursanin.

Paolo, ayaa qaatay diinta islaamka si uu u raaco caqiiqada xaaskiisa, sida uu qoray wargeyska Italy24. Balse ma aysan sheegin magaca islaamka ah ee uu qaatay.

Arooska kaddib waxay go’aansadeen inay u guuran magaalo yar oo u dhaxaysa Milan iyo Bologna. Bulshada ku nool magaaladaas ayaa lagu qiyaasay shan kun oo qof, sida uu La Stampa daabacay.

Caa’isha Romano waxay noqotay macallimad barta luqadda Englishka. Waxay dhigtaa iskuul ay wax ku bartaan dadka waaweyn, waxayna sheegtay inay ku faraxsantahay.

Sida ay horay u qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Taliyaaniga, Caa’isha Romano ma dooneyso in ay gudbiso dacwad ku saabsan aflagaada iyo hanjabaadda iyo hadallada naceybka ah ee loogu soo gudiyay baraha bulshada

Caa’isha, Markii ay Milan ku noqotay, waxay dib u bilowday nolosheeda caadiga ah, waxayna ku xirnayd masaajid u dhow halkii ay ka degganayd magaalada.

Hanjabaadaha loo mariyay Facebook

Gabadhan oo ka shaqeyn jirtay arrimaha gargaarka, waxaa laga afduubtay Kenya, bishii November 2018-kii, waxaana la siidaayay bishii May 2020. Waxaa lagu haystay Soomaaliya, waxayna diinta islaamka qaadatay muddadii afduubka loo haystay.

Markii ay ku noqotay Taliyaaniga, sannadkii hore, waxaa baraha bulshada loogu diray boqollaal fariin oo kala duwan.

“Waa naceyb lagu baahiyay baraha bulshada”. Waa sida ku qoran natiijada ka soo baxday baaritaankii uu sameeyay xafiiska dacwad oogaha magaalada Milan.

Xafiiskaas wuxuu Facebook weydiistay in uu sheego aqoonsiga dadka isku hoos qarinayay boqollaal cinwaan oo been abuur ahaa, waxaana la amray in la xiro dhamaan cinwaanadaas.

Baaritaanka oo uu billabay xafiiska maamulaha la dagaallanka argagixisada, Alberto Nobili, waxaa lagu doonayay in lagu ogaado hanjabaadda ka dhanka ah Caaisha Silvia Romano.

Sababaha loo aflagaadeynayay waxaa ka mid ahayd in diinta Islaamka ay qaadatay, taas oo “dad badan oo Taliyaani ah ay diidanaayeen”.

Ilaa 40 farriin oo hanjabaado ah, oo loo arkay kuwo aad khatar u ah ayaa loo diray gabdhan, oo markii ay muslimtay, lana baxday magaca Caa’isha, labiskeedana ka dhigtay mid asturan.

Dadka lasoo xiriiraya ayaa u sheegaya inay dili doonaan, sababtuna ay tahay go’aankeeda Islaaminada.

Waaxda dambi baarista ee booliska Talyaaniga ayaa wadda howlgal ay diiradda ku saareyso aqoonsiga dadka farriimahaas soo diray.

Kooxda baaritaanka wadda oo ay hoggaaminayaan Alberto Nobili iyo Carabinieri del Ros ayaa sheegtay inay marka hore kala xaqiijinayaan saxnimada farriimaha, si loo ogaado dadka ay ka soo baxeen, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda Talyaaniga ee ANSA.

“Sababaha aan ku jeclaaday Islaamka”

Caa’isha Romano waxay sheegtay in kahor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Alle subxana watacaala iyo iyada.

Markii ay yareyd waxay sheegtay inay “fikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in ay yihiin dad la caburinayo.”

Waxay intaa ku dartay inkastoo “khaladaad badan” ay in ay ka aaminsaneyd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslimninada waxa ay tahay, oo waxay xustay “inay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka.”

Intii ay joogtay deegaanka Chakama ee dalka Kenya, waxaa ay tiri: “dad badan oo Muslimiin ah ayaan halkaas ku arki jiray, balse taasi ma aysan igu dhiiragelinin in aan qaato diinta islaamka”.

“Waxaan arki jiray dad xiran khamiis, maalminta Jimcaha iyo dadka oo salaadda u aadaya misaajidka, balse xilligaas ma aanan daneyn jirin diinta Islaamka”, ayay tiri mar ay la hadleysay wargeyska Laluce ee ka soo baxa dalka Taliyaaniga.

Waxay gabadhan sheegtay in arkii la afduubay oo la sii watay ay isweydiisay su’aalo dhowr ah ay ka mid yihiin: “Waxaan u imid Kenya in aan dadka caawiya oo wax wanaagsan ayaa sameynayay ee maxay waxani iigu dhacayaan? Maxay tahay sababta aanan loo afduubanin gabdhaha kale?”

Waxay tilmaamtay in markii la afduubay la geeyay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya. “Waxaa is dhahay – dabcan waxaa laga yaabaa in sababta aan dhibkan u marayo ay tahay ka fogaanshaha aan ka fogaaday Allaah, tasina ay tahay sababta la ii ciqaabayo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here