Cabdi Xaashi oo codsi xasaasi ah u diray Qoor Qoor iyo wararkii ugu dambeeyey shirka

Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa warqad uu udiray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku dalbaday in lagu casuumo shirka lagu wado inuu berri ka furmayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

“Salaan qiimo badan ka dib, anigoo ka ambagaadaya kulankii uu ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ee ahaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, si looga wada hadlo, xalna looga gaaro khilaafaadka ka taagan hirgelinta heshiiskii 17 Sabteembar,” ayaa lagu yiri qoraalka Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay berri gaarayaan Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaan shirkaas looga wadahadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Khilaafka ragaadiyey doorashada Soomaaliya waxaa qeyb ka ah hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiyada doorashooyinka ku metelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

“Maadaama arrinta doorashada Xildhabaannada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi Somaliland ay ka mid tahay arrimaha khilaafaadku ka taagan yahay ee laga wada hadlayo, waxaan kula socodsiinayaa in ay noo gorshaysan tahay aniga iyo wafdi aan hogaaminaayo in aanu nimaadno magaalada Dhuusamareeb maalinta berri ah ee ay taariikhdu tahay 02 Febraayo 2021; si aanu shirka uga qayb galno,” ayaa lagu yiri warkan.

Ugu dambayntii guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa madaxweyne Qoor Qoor iyo reer Galmudug uga mahad celiyey, sida ay isugu howleen qabashada shirarka looga heshiiyo masiirka Soomaaliya.

“Mudane Madaxwayne, waxaan kugu bogaadinayaa adiga, xukuumadda iyo shacabka Galmudug sida hagar la’aanta ah ee Soomaalinimada leh ee aad u martigelisaan shirarka wadatashiga ee lagaga xaajoonayo arrimaha masiiriga ah ee dalka,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Caawa waxaa magaalada Dhuusamareeb ku sugan madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweyne Lafta Gareen, madaxweyne Cali Guudlaawe, madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug iyo xubno ka kala socda golayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Cismaan Dubbe oo galabta warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa sheegay in shirkaas uu furmi doono gelinka hore ee Talaadada berri ah, isla markaana madaxda maqan ee Jubbaland iyo Puntland ay berri subax soo gaari doonaan Dhuusamareeb.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaan weli tegin Dhuusamareeb, balse ilaalo hor dhac u ah wafdigooda ayaa gaartay maanta, waxaana lagu wadaa inay berri soo gaaraan Dhuusamareeb, isla berina uu furmo shirkaas oo lagu balansanaa inuu furmo maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here