CABDIRISAAQ SANWEYNE OO DHULKA JIIDAY KOOX LOO SOO ADEEGSADEY SALDANADDA MAXAMUUD BARI

cabdirisaaq sanweyne iyo khadar cali jaamac

Siyaasi Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (SANWEYNE), ayaa jawaab kulul siiyey koox dad shisheeye ahi u soo adeegsadeen inay canjarafeeyaan Saldanadda Guud ee Beesha Maxamuud Barri ee Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

Cabdirisaaq ayaa sheegay inuu kooxdan hogaaminayey nin ay isku reer yihiin oo sheegta boqornimo beena oo la yiraahdo Khadar Cali Jaamac, kaas oo cid uu metelaa jirin oo la soo isticmaalay, wuxuuna raaligelin siiyey dhamaan intii hadalkiisa aragtay ama maqashay.

Sanweyne ayaa beelaha degaamadda Sool, Sanaag iyo Cayn ugu baaqay in aanay waxba ka soo qaadin Dadka cadowga Shacabka iyo Saldanadda Maxamuud Bari uu soo fuulay, isagoo shaaciyey in Caleemasaarka Garaad Cabdilaahi Garaad Maxamed lagu qaban doono mudo 3 bilood ah, cid walbana ay u furan tahay inay ka soo qaybgasho munaasibadda Caleemasaarka.

Baraha Bulshadda ayaa lagu arkay dhowr nin oo aflagaadeynaya Saldanadda Maxamuud Barri, waxayna kaga cadheysiisay dhamaanba bulshooyinka degaamadaas ku nool, taasoo sababtay inuu Siyaasi Cabdirisaaq Sanweyne uu Raaligelin ka bixiyo.

DHEGAYSO JAWAABTA KULUL EE UU BIXIYEY XAAJI SANWEYNE:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here