CABDIRISAAQ WAA HORGAL XUN JAMAAHIIRTU CALANKA SOMALIYA IYO BANAANBAX

cabdirisaaq khaliif axmed

Inkastoo aan shacabka SSC horey ugu fiirsan, haddana Cabdirisaaq Khaliif wuxuu ka mid yahay horgallada ugu damiirka iyo dadnimadda xun ee Jamhadda Gooni-u-goosatada SNM ku shaqeystaan, wuxuu xooggaa ka fiican yahay Saleebaan Yuusuf Cali iyo Mahad Canbaashe oo iyagu maqaamka eEyda aan waxba ka fogeyn.

Waa shaqsi Dhulbahantenimadu ku yartahay, saaxiibadiis baa Xasuuqii Kalshaale fuliyey oo uu ku taageersanaa, markii dambena Xirsi Cali Xasan oo ahaa aabihii xasuuqa ayuu laduday, weligiis damiir iyo dareen Reer SSC muu lahayn, maantana lacag yar iyo Gabadh baa laysugu soo daray, markaasuu yiri 7 casho ayaan Kacdoonka ku burburinayaa, isagoo ka been abuurtay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Soomaali oo dhami ogtahay inuu Hormuud u yahay Kacdoonka Laascaanood ka dilaacay, sidoo kale wuxuu ku gefay culimadii iyo odayashii 33 gudiga ahaa oo uu ka dhigay dad ay isaga iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil abuurteen, haddii lala heshiiyana ay Hargeysa keenayaan.

Waxaan Jamaahiirta kacdoonka SSC ee halganka ku jirta ogeysiinaynaa in Horgal Cabdirisaaq Khaliif uu yahay difaacii ugu dambeeyey ee GACAN-KU-DHIIGLE Muuse Biixi iyo Jamhaddiisa, sidaasdarteed waa inaad kaga hortagtaan Banaanbaxyo ballaaran oo socda ilaa horgallada Muuse Biixi degaamada SSC ka baxayaan, SIDA QURAANKU JINKA UGA ADAG YAHAY AYAA CALANKA SOOMAALIYA UGA ADAG YAHAY GOONI-U-GOOSATADA SNM IYO HORGALLADA AY KU ADEEGTAAN EE KALA HORTAGA.

Shaqsiyaadka la wareegaya SNM iyo SSC hawadahadleen, waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii wadahadalka iyo abhinta la soo dhaafay, maanta hal dariiq oo keliya ayaa banaan waa JIHAAD, JIHAAD JIHAAD, qofkii aan diyaar u ahayn wuu khaatumoxumeysanayaa, wuxuuna ku sifoobayaa Horgal, HALGANKUNA WUU SOCONAYAA.

GUUL IYO GOBANIMO JAMAAHIIRTA SSC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here