Cabdiweli Gaas: Rooble waa in uusan u ekaan in kiiska Ikraan uu kula dagaalamayo Farmaajo

gaas

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay gudidii uu madaxweynuhu u saaray baadhista kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka oo dhimashadeedu muran siyaadadeed dhalisay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’isal wasaaraha ayaa lagu sheegay in gudi loo magacaabo baadhista gal dacwadeed maxkamad horyaal tahay arin baal marsan dastuurka iyo shuruucda dalka, waxaana sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeedkaa in ra’isal wasaaruhu ka digayo isku day kasta oo lagu marin habaabinayo kiiska Ikraan Tahliil.

Haddaba, khilaafka madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha ee salka ku haya kiiska sarkaalad Ikraan Tahliil iyo muranka ka dambeeyay ee sababta xil-ka-qaadista, diidmada iyo magacaabista xilal cusub ee labada Masuul wuxuu galay toddobaadkii labaad.

Dedaalo iyo dhex dhexaadin ay wadeen madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed laguma guuleysan.

Haddaba, ma jirtaa Hay’ad kale oo dowladeed oo sharciyad u heysta xal-u-helida khilaafkan. Su’aashaas iyo kuwo kale ayuu tifaftiraha laanta afsoomaaliga ee BBC Muhyadin Ahmed Roble weydiiyay Raysal wasaare hore Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Marka hore, waxa uu weydiiyay khilaafka saameynta uu ku yeelan karo shaqada Hay’adda dowladda. Waxa uu Cabdiweli Gaas ku jawaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here