“Waxaan Tacsi u dirayaa xaaskisii, caruurtiisii, eheladii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn geerida naxdinta leh ee Marxuum Prof. Cali Khaliif Galayr, inaa lilaahi inaa ilayhi raajicuun.
Bilihii ugu dambeeyey ee sanadka 2020, waxaan ahaa Masuulka keliya ee Marxuum Madaxweyne Cali Khaliif ku weheliyey shirarkii uu Somaliland la gelayey ee uu ku doonayey in lagu hirgeliyo heshiis dhexmaray Khaatumo iyo Somaliland.
“Ma jirto wax heshiis ah oo dhaqan galay, waxwalibana waxay ka socon waayeen Somaliland, wuxuu ku dul wareegay mudo 4 sano ku dhow, maalintii ugu dambeysay ee uu Jigjiga u baxayna wuxuu tegay isagoo ka quustay oo caafimaad xumo la tiicaya, soo noqodkiisana waxaan ku balansanayn inuu hargeysa xamaamtiisa ka gurto oo uu talada shacabkii Khaatumo dib ugu celiyo”.
“Waxaan shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn u cadeynayaa in dardaarankii ugu dambeeyey ee Prof Cali Khaliif igaga tegay uu ahaa, inuu ka qoomameeyey hesiiskii uu jeclaystay inuu Somaliland la galo, taladoodii iyo masiirkoodiina ay dib ula noqdaan, maadaama aanay waxba ka hirgelin heshiiskii ay wada galeen Khaatumo iyo Somaliland.”
Osman Qawdhan Warsame