CALI KHALIIF SOW TALO XUMO KAMA GABOOBO? MAANTANA GUDOOMIYAHA G HARTI WAQOOYI?

Cali Khaliif

Siyaasigu hadduu Ma-gudbe noqdo waxaa jira arimo ilaahay sabab uga dhigay, Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa waxaa la hadhay siyaasadiisa oo nacayb ku salaysan.

Cali Khaliif ayaa necaybkiisu ka soo bilowdaa Majeerteen, Mareexaan, Hawiye, dabadeedna wuxuu u soo wareega Dhulbahantaha dhexdiisa gaar ahaan kuwa nugaasha dega, iyadoo beesha Isaaq ay tahay cida uu nacaybkiisa ugu yar yahay.

MAXAA ISHORTAAGAY HESHIISKII UU SOMALILAND LA GALAY?

Heshiiskii uu Cali Khaliif, Somaliland la galay wuxuu ku salaysnaa ku xumayn beelihii Somalilannd kula shiray Awrboogays iyo Adhicadeeye, wuxuuna ahaa mid miidaabo ah oo uu saaxiibadiis iyo taageerayaashiisa oo dhan uu ka soo fara baxsaday, hadana waa nin keliya oo aan degaamada taageero ka haysan, taasoo Somaliland ku noqotay caqabad labo daran mid dooro ah, CALI KHALIIF AMA SHACABKII DEGAAMADII SSC.

MAXAA CALI KHALIIF UGA FULAY HESHIISYADIISII? SIDEESE U QAYBIYEY?

Cali Khaliif wixii ugu horeeray ee heshiisyadiisii u fulay wuxuu noqday 600 oo Ciidan ah oo loo qarameeyey, kuwaas oo Somaliland iyo shacabka SSC-ba u cadeeyey shaqsiyada iyo hogaaminta Cali Khaliif, kadib markii uu 150 askari siiyey degaanka Widhwidh, halka 450 kii hadhayna wuxuu sii qoyskiisa (Bahararsame), kuwaas oo ka qayb qaatay dagaalkii Dhumay ee Koonfurta G Sool, taasoo muujisay garaadka iyo Garashada Prof. Cali.

DIB U SOCODNIMADDA CALI IYO GUDOOMIYAHA HARTI WAQOOYI

Oday Cali ayaa hada xaalad dib u socodnimo ayuu ku jira, Raiisul Wasaare ayuu ka soo noqday, Xubin Baarlamaan, Madaxweyne Khaatumo, haddana wuxuu isku boqray Gudoomiyaha Gudiga Hartiga Waqooyi, isagoo duufsaday Oday Cadami iyo xubno kale oo Beesha Warsangeli ka soo jeeda.

Waxaa haboon in Xukuumadda iyo shacabka Somalilandba gartaan in mar haddii Prof. Cali Khaliif Galaydh uu maanta marayo Gudoomiyaha gudiga Harti Waqooyi ee Hargeysa, aan naftiisa lagu halayn karin, waxaana la gudboon inuu garto inuu noloshiisii Siyaasadeed ku fashilmay oo ka baxo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.