Cali Khaliifow xabad baa kaa xigta Somaliland la wada leeyahay iyo midnimada Soomaaliya

muuse iyo cali khaliif

Prof Cali Khaliif Galayr Madaxweynihii hore ee Khaatumo oo ka hadlayey xaflad uu soo abaabulay mid ka mid ah gacan ku dhiigleyaashii ka dambeeyey Xasuuqii degaanka Kalshaale ee Buuhoodle ka tirsan, Xirsi Xaaji Xali Xasan, ayaa si weyn uga dayriyey heshiis uu sheegay inuu la galay Somaliland.

Waxaa muuqata in Oday Cali Khaliif iyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka dhacsan yihiin xaalada Somaliland ka jirta.

Oday Cali Khaliif wuxuu raadinayaa Somaliland la wadaleeyahay, balse wuxuu ilowsan yahay in Somalilandtii Awooweyaashii u soo dagaalameen ee gumaysiga ka xoreeyeen ee uu wax ku lahaa ay 1960 Xamar aaday, Somalilandta maanta jirtaana ay tahay mid hal reer (Isaaq) u soo dagaalameen oo qori caaradiis ku soo dhacsadeen, cid ay wax uga ogol yihiina aanay jirin, sida keliya ee aad wax kaga yeelan kartaana waa qori caaradiis iyo xabad, taas oo ah luqada keliya ee ay si fudud u fahmi karaan kooxda talada haysa iyo guud ahaan Beesha Dhexeba.

Cali Khaliif waxaa la mid ah masuuliyiinta Dawladda Federaalka oo naftooda ku maaweeliya waxaan Somaliland kala hadlaynaa midnimadda Soomaaliya, taasoo ah suubaa-salaax ma dhaleys ah iyo riyo khiyaali ah oo aan miro dhali doonin, Midnimada Soomaaliya waxay god dheer ku dhacday maalintii Maamulkii Khaatumo qabyaalada iyo dulmiga loogu diiday in la aqoonsado oo lagu sharfay labadii beelood ee dhinacyada ka xigay, kuwaas oo aan maanta midkoodna ogolayn midnimadda Soomaaliya. Sidoo kale Somaliland iyo Goboladdii Waqooyi u aqoonsadeen beel oo dadkii iyo degaamadii kale indhaha ka laliyeen.

Gebagebaddii Oday Cali waxaa la gudboon inuu garto in degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn aanay Somaliland u baahnay, waqtigii xooguna uu soo dhamaanayo, dadkii gabood falyada ka geystayna ay cadaaladu sugayso, sidaasdarteed uu ka xishoodo inuu ku hadaaqo danta shacabka SSC waxay ku jirtaa Somaliland, sidoo kalena uu fahmo in afduubkii Xildhibaan Dhakool uu ahaa fariin isaga ku socotay, loona baahan yahay in kala doorto inuu iimaansado Meherka, sabta ama alle bariyada iyo Carwooyinka la furayo ama uu cararo.

Waxaan Dawlada Federaalka iyo Umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay taageeraan shababka Sool, Sanaag iyo Cayn ee mudada dheer u dagaalamayey midnimada Soomaaliyeed, si la mida tii shacabka Gedo, waxayna mudo dheer sugayeen in Dawlad Soomaaliyeed dhalato.

Khaalid M Shire Muuse Dhiil

UK

1 COMMENT

  1. somaliland maanta way guulaysatay, walaa farmaaja wax ka qaadaya waxa ku yaroo sheegta ssc oo qurbaha ku samaystay web uu ku fal falaado.

    danihii geeska africa waa is bedeshay, imaatinka imaaraadka iyo heshiiska laga qayb gashay dowlada federalka itoobiya ayaana daaqada ka saaraya hamigaaga.

    adeerow xamar waxba kuuma qaban karto kii doona ha yimaadaan, nin isagiiba xaalada xamar waxba ka qaban karin miyuu ninkayga awooda leh usoo babac dhigan karaa? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    nin ku nool ciidan shiisheeye cududooda miyaa anigoo cududa taagan ah wax iga qaadaya.

    dadka deegaanka ee ssc waxaan u kala qaadaya 3 qaybood, kuwooda somaliland diidan ee xamar la haya, tigidh kii ay xamar ku tagi lahaayeen baanu u jarayna oo diyaarada ayay raacayaan.

    kuwa somaliland diidan ee maamulka garoowe la hayo nool kii baska ee garoowe gaadhsiin lahaa baanu kasii bixinayna sida hanagu dhaafaan.

    waxaa deegaamada kusoo hadhaya oo nala joogaya waa inta somaliland ogol iyo inta aan dhinacna ahayn ee dhex dhexaad ka ah.

    warka yagu waa cad ceeda aan daahu saarnayn. dagaal horeba waanu u wada galnay lakala guulaystay lakala adkaa.

    ilaahay mooye nin aadama ah oo xaasid ahi waxba nagama qaadayo.

    viva somaliland republic

    taas waan ku shahiidnay waanu u dhimanay waanuna gaadhnay guushayadii.

    wahadalada somalia iyo somaliland maahan wax ay somalia dooratay ama somaliland dooratay ee waa xal beesha caalamku keentay. hadafkaanu ka lahayna waanu gaadhnay oo ah international mediation, talaabada xigtaana waa two estate solution.

    waxaad ka qaban karto ayaan jirin. adeer illaa waagii ingiriiska laga xoraynayay iyo waagii lasoo galinayay iyo waagan ba adigu daawade ayaad ka ahayd ee waxba kumaad lahayn. darwiishnimada aad sheegataana dadkii lahaa waa kuwa itoobiya ku qatan oon waxba ku haysan misena adoo ahaa kuwii la dirirsanaa ee gabayada ceebta qori jiraa sheeganaya?

    buuqa yaree lakala adkaaday lakala guulaystay ninkay guushu raacday waa ninka aad arkayso ee somaliland.

    ma cabaad iyo cay baad igu joojin kartaa, waa soconaysa waana duulaysa anaana ku leh

    victory is upon our holy somaliland republic.

Leave a Reply to Binary Operation Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here